Caabuqa gudaha ferjiga haweeneydu waa caabuq gudaha ferjiga ah oo calaamadeheedu lamid yihiin xanaanunada galmada ku faafa. Maaha xanuunada galmada lagu kala qaado, oo caabuqa ku qaadi maysid galmo

Caabuqa waxaa keena fangus (candida) ama baakteeriya (baakteeriyada xubinta taranka). 

Waxaad ka hortagi kartaa badanaa caabuqyada gudaha ferjiga adiga oo si wanaagsan isku nadiifinaya
Anbootiga iyo warwarku waxa ay keenaan caabuqa gudaha ferjiga. Ha isticmaalin antobootig iyada oo daruur noqota moojee. 

Wax aad qabtaa caabuqa gudaha ferjiga haweeneyda haddii mid ama wax ka badan oo calaamadaha soo socda ah aad isku aragto: 

  • dareere kasoo baxa gudaha ferjiga kaas oo ka duwan sidii caadiga ahayd:
    • dareere xubinta taranka ah oo ur xun leh; 
    • dareere badan oo sida biyaha oo kale ah ama cadaan ah oo is jiidanaya.
  • xanuun xiligaa la samaynayo galmada;  
  • cuncun, damqasho ama casaan gudaha ferjiga ah iyo aaga ku xeeran;
  • qofku inuu damqado marka uu kaajayo;
  • barar danbaha ah.

Haddii aad u malaynayso inaad qabto caabuq gudaha ferjiga ah, kala hadal dhakhtarka. Caabuqa gudaha ferjiga si yar oo fudud ayaa loo dawayn karaa. Dhakhtarka ayaa ku baadhi kara oo kusiin kara talooyinka daawaynta munaasabka ah. 

Ka dalbo dhakhtarka haddii lamanaahagu loo baahan yahay in laga baadho oo la daaweeyo sidoo kale.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo