Qaababka aad naftaada uga ilaalinaysid

  • Koondhom waxa uu ka ilaaliyaa qof inuu hoos u dhigo oo aanu qaadin HIV iyo xanuunada kale ee galmada. Isticmaal koondhom marka aad galmada ka samaynayso gudaha ferjiga ama dabada
  • Khatarta inaad qaado HIV markaa aad samaynayso galmo afka aad bay u yartahay. Iska ilaali in uu afka kaa galo biyahay taranka ninka si aad usii yaraysid khatarta. 
  • Kaliya isticmaal agabka aad kaligaa isticmaasho ee irbadaha ah, ama agab cusub. 
  • Haweenka uurka leh ee qaba HIV waa inay qaataan dawo intay uurka leeyihiin. Markaa khatarta in ilmuhu qaado way yaraanaysaa. 

Haddii aad leedahy HIV oo aan lagu dawayn, waad qaadsiin kartaa dad kale haddii aanad xataa muujinin wax caaalamadaha wali.  

Kaliya isticmaal agabka aad kaligaa isticmaasho ee irbadaha ah, ama agab cusub.
Isticmaal dawooyin markaad uur leedahy hadaad leedahay HIV.

Dawada kahortaga HIV ga

Dadka sidaa gaar ka khatar dheerad ah u leh in ay qaadan HIV ga waxay qaadi karaan dawada ka hortaga lacag la'an. Dawadaa waxaa la yidhaahda "PrEP". Dawayntu waa mid aad waxtar ugu leh dhimitaanka khatar in la qaado HIV.

PrEP waa la siiyaa raga u galmooda raga (MSM) iyo kuwa labada jinsiba wax ka eego tusaale ahaan,

  • ee sameeya galmo aan wax badbaado ah loo isticmaalin oo lamaamne farabadan ah 12 bilood ee u danbeeyay, iyo
  • iyagu aaminsan in ay tani ku dhici doonto mar kale. 

Waxyoobo kale oo keeni kara PrEP ku haboo ayaa ah:  

  • Haddii aad qabto xanuunada galmada ku faafaa ama aad u baahatay PEP 12 bilood ee lasoo dhaafay.
  • Haddii aad galmo samaysay adoo isticmaalay daroogo.
  • Hadaad kasoo jeedo kooxo kamid ah dadka laga tiro badan yahay.

Waxaad la xidhiidhaa dhakhtarkaaga ama isbitaal si laagu xisaabiyo PrEP. 

Haddii ay dhacdo xaalad dagdag ah

Hadaad khatar ugu jirto HIV, waxaad qaadan kartaa dawo la yidhaahdo "PEP". Dawadu waxay kaa ilaalinaysaa in aad qaado hiv. Qaado dawada sida ugu dhakhsaha badan (wax aan ka badnayn 3 cisho kadib maarkaad qaaday infekshinka). Haddii aad bilowdo in aad qaadato markaad qaaday infekshinka kadin, waxay kor uqaadaysaa inaanad qaadin caabuqa. Hadaad u baahantahay PEP, waxaa ka heli kartaa iyada oo bilaa lacag ah deegaankaaga adeega caafimaad saacadaha-aan la shaqayn. Halka waxa kale oo aad waydiin kartaa PEP. 

Khatar yar in aad qaado infekshin

Haddii aad qaadato dawaadada HIV ga si sax ah maalinkasta, qadar hiv ee dhiigaaga ku jiraa (viral load) wuu yaraadaa. Dhawr bilood kadib inta badan laguma arko, iyadoo fayrasku jidhkaga uu ku jiro. Markaa ma jiro wax khatar ah oo ah in aan qof kale u gudbisid.

Waa la isku ciqaabaa sharci ahaan hadaad si ukas ah qof u qaad siisid HIV, ama adoo og dadka umuujisid khatarsiisa dadka kale adoo khatar galinayaa in aad qaadaan infekshinka. Haddii aad samayso wixii macquul ah ee aad dadka kale kaga ilaalinayso inaad qaadsiiso caabuqu, ciqaab ku mudan maysid. Tusaale ahaan: hadaad isticmaasho koondhom  iyo/ama aad u qaadato dawada HIV si wanaagsan

Sidaa darteed, waxaa lagu taliyaa in kala hadasho dhakhtarkaaga iyo lamaanahaaga haddii aad rabto in aad galmo ku samayso bilaa koondhom. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo