Daawaynta HIV

Haddii aad qabto HIV oo aad maalin kasta u qaadato dawada sidii saxda ahayn, waxaad noolaan kartaa nolol caadi ah oo waxaad ka cimri dheeraad kartaa qof aan qabin HIV.

U qaado dawooyinkaaga mar kasta sida uu dhakhtarku kugu amray. Kala hadal dhakhtarka dawooyinka ugu wanaagsan ee kugu munaasab ah. 

Haddii aan lagu dawaynin, waxaad qaadi kartaa caabuq marka aad samayso galmo aan badbaado wadan ama dhiiga. Waxaad qaadsiin kartaa ilmahaaga xiligaa uurka ama umusha ama marka aad naas-nuujinayso. Dawada saxda, haweenka HIV qabaa waxay dhali karaan caruur caafimaad qaba

Nolol caafimaad qabta

Iaalinta caafimaadkaaga:

  • Cunto caafimaad qabta cun. Tani waxay kor u qaadaysaa iska caabinta xanuunka.
  • Jimicsi samaynta.
  • Inaad yarayso sigaarka, mukhaadaraadka iyo khamrida.
  • Inaad haweenkii si wanaagsan u nasato. Waxay yaraynaysaa warwarka.
Cunto caafimaad qabta cun.
Jimicsi samaynta.
Inaad yarayso sigaarka, mukhaadaraadka iyo khamrida.
Inaad haweenkii si wanaagsan u nasato.

Xidhiidhka bulshada

Qof kale la joogida kuma qaadsiin kartid. Maaha inaad qabato, tusaale ahaan, waxaad wadaagi kartaan koob ama bilaydh qof ama waad taaban kartaa ama waad dhunkan kartaa qof.

Laguma gudbiyo HIV: waadaaga bakeeri ama saxan
Laguma gudbiyo HIV: taabasho ama gacan qaad
Laguma gudbiyo HIV: dhunkasho

Khatar yar in aad qaado infekshin

Haddii aad u qaadato dawaadada si sax ah maalinkasta, qadar HIV ee dhiigaaga ku jiraa (xadiga jeermisku) hoos ayay u dhigaysaa. Dhawr bilood kadib inta badan laguma arko, iyadoo fayrasku jidhkaaga uu ku jiro. Lix bilood kadib ma jiro wax khatar ah in aad qof kale u gudbisid. 

Waxaad yeelan kartaa nolol galmo oo caadi ah adiga oo qaba HIV, laakiin waa sharci daro inaad u kasto oo aad lamaanahaaga qaadsiiso HIV ama xanuunada galmada lagu kala qaado adiga oo aan marka hore ogolaansho ka qaadin qofkaas. Tani waa isku mid qofka xidhiidhka rasmiga ah idinka dhaxeeyo iyo lamaanaha aad galmada samaysaan ee kale. 

Haddii aad samayso wixii macquul ah ee aad dadka kale kaga ilaalinayso inaad qaadsiiso caabuqu, ciqaab ku mudan maysid. Tusaale ahaan: hadaad isticmaasho koondhom  iyo/ama aad u qaadato dawada HIV si wanaagsan

Waxaa lagu taliyaa in kala hadasho dhakhtarkaaga iyo lamaanahaaga haddii aad rabto in aad galmo ku samayso koondhom. 

U sheegida qof inaad qabto HIV

Haddii aad la nooshahay mushkilada HIV waxaa wax kuu tari kara inaad kala hadasho qof HIV. Khasab maaha inaad dadka u sheegto inaad qabto HIV

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo