Koondhom waa rabadh yar oo daboola guska. Waxaa gelinaysaa koondhomka guska oo taagan ka hor inta aan la samayn galmo. Waxa uu qabtaa biyahay taran ninkaa marka ay ka yimaadaan.

Qaabka uurka baajinta

Waxaad isticmaali kartaa koondhom markaad galmada samaynayso haddii aanay kuu qorshaysayn inaad ilmo dhasho. Waa qaabka uurka loo baajiyo.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Koondhom waxa uu adiga iyo lamaanahaaga ka ilaaliyaa HIV iyo badi xanuunada galmada lagu kala qaado. Waxa uu hoos u dhigaa xanuunada galmada lagu kala qaado. Caadiyan ma daboolo gebi ahaanba naburada, boogaha iyo dilaaca ku yaala maqaarkaaga ama maqaarka lamaanahaaga. Markan oo kale, waxaad ku jirtaa khatar aad ku qaadi karto caabuqa xanuunada galmada lagu kala qaado. 

Si aad iskaga ilaaliso hiv oo aad hoos ugu dhigto khatarta xanuunada galmada lagu kala qaado, isticmaal koondhom marka aad galmo ka samaynaysid gudaha ferjiga haweeneyda ama dabada

Iska ilaali in afka ay kuu galaan dhiig ama biyaha taranku marka aad galmo afka ah samaynayso; markaa waxaa aad u yaraanaysa khatarta inaad HIV qaado. Inaad u isticmaasho koondhom galmada afku waxay hoos u dhigtaa khatarta inaad qaado xanuunada galmada ku faafa.

Haddii adiga ama lamaanahaagu aynaad doonaynin inaad isticmaashaan koondhom, kala hadal dhakhtar wixii ku saabsan inaad iska baadhaan xanuunada galmada lagu kala qaado ama HIV.

Iibsiga koondhomka

Waxaad ka iibsan kartaa koondhomka farmasiga ama subarmaarketka. Waxaad sidoo kale mararka qaar ka heleysaa tukaamada kale, baararka iyo naytkilaabyada ama mishiinada lacagta lagu diro ee maalahaas yaala. Hay'ada qaar ayaa bixiya koondhom bilaasha ah.

Waxaad ka heleysaa koondhom bilaasha ah Tilmaamaha Caafimaadka Norway

Waxaad ka dalban kartaa koondhom bilaasha ah gratiskondomer.no (Kaliya Norway).

Koondhomka haweenka

Waxaa sidoo kale jira koondhomka haweenka.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo