Biradu waxay ka dhigan tahay inaanu qofku hore u samaynin galmo. Waxaa jira noocyo kale oo badan oo galmo ah marka laga tago galmada

Wiilasha (raga) iyo hablaha (haweenku) waxay noqon karaan bikir.

Bikirku: ma cadeeyo bikirka

Ma arki kartid ama dareemi kartid inuu qof bikir yahay. Xataa dhakhtarka ayaan arki karin. Taas macnaheedu waa inuu dhakhatarku aanu eegi karin inuu qof galmo sameeyay.

Shaybaadhka bikirka looma isticmaali karo in lagu ogaado haddii ay haweeneydu galmo samaysay:

  • Bikirku maaha dahaadh xidha gudaha ferjiga. Markaa, ma jirta wax dilaaca haweeneydu marka ugu horeysa ee ay galmada samayso
  • Haweeneyda khasab maaha inay marka kasta oo ay marka ugu horeysa ee ay galmo samayso ay dhiigto. Waa is le'eg yihiin inta dhiigta iyo inta aan dhiigin marka kowaad. Markaa, ma jirto wax sabab ah oo loogu sameeyo haweeneyda qaliin dib loogu hagaajinayo bikirka
Haweeney dhabarka u jiifta oo lugaha kala qabatay. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee muuqda.
Faahfaajinta daboolka bikirka oo ku jira gudaha ferjiga: unuga xadhiga ah. Bikirku maaha dahaadh xidha gudaha ferjiga.
Faahfaahinta bikirka balaadhan ma dilaaco marka galmada la samaynayo. Tani badanaa sidaas ayay u dhacdaa.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo