Ma jirto galmo wanaagsan ama xun marka ugu horeysa ee aad galmada samayso. Waxaad xaq u leedahay inaad go'aansato goorta aad galmo samaynayso ee ugu horeysa. 

Waa iska caadi inaad dareento warwar ama baqi marka ugu horeysa ee aad galmo samaynayso. Qof kastaa wuu leeyahay dareenkaas. Haddii dareenkaasi aad u xoogan yihiin, waxaa dhici karta inaanad diyaar u ahayn inaad galo samayso. Waxaa malaha wanaagsan inaad mudo yar sugto oo aad siiso.

Adiga ayaa dooranaya

Waxaa muhiim ah inaad ogolaanshahaaga bixiso galmada. Sharcigu sida uu dhigayo waxaa jirta da' ugu yar oo ay dadku ogolaanshahaas ku bixin karaan.

Waxaad dooran kartaa goorta aad doonayso inaad galmo samayso marka ugu horeysa. Tusaale ahaan: kahor ama kadib marka aad guursato. Si dhab ah uga baaraan dag waxa aad doonayso. Naftaada runta u sheeg oo dooro sababta saxda ah. Adiga ayaa iska leh go'aanka.
Cidna haka ogolaan inay kugu riixdo. Kaliya waxaad galmada ku raaxaysan kartaa marka labadiinuba aad diyaar tihiin. Lamaanahaagu waxa uu qadariyay doorashadaada. Waxaad kala hadashaa lamanahaaga waxaad rabtaan iyo sida aad dareemeyso. 

Kaliya maha marka kowaad, laakiin mar kasta oo aad samayso galmo waa inaad ogolaataa oo aad dareentaa diyaar.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo