Galmada marka ugu horeysa ee qof kastaa way kala duwan tahay. 

Adiga iyo lamaanahaaga ayaa wada go'aamin doona waxa aad doonaysaan. Khasab maaha inaad samayso galmo. Haddii aanad diyaar dareemeynin, maaha khasab inaad samaysayi. Waxaad galmo u samayn kartaa qaabab kala gedisan.

Isku day inaad is dejiso. Inaad wakhtigaaga qaadato ayaa wax kuu tari kara.

Xaqiiji inayna qofka aanu ku khalkhalin. Waxaad noqonaysaa mid aad u degan.

Waxaad xaqiijisaan in labadiinuba si wanaagsan hamadiinu u kacday. Midba midka kale dareenkiisa ha kiciyo, tusaale ahaan baadha meesha jidhka ee uu midba ka helo.

Ka wada sheekeysta waxa aad ka hesho iyo waxa aanad ka helin.

Haddii waxoogaa ay ku damqayso

Waxoogaa ayuu qofku damqadaa marka ugu horeysa ee uu galmo samaynayo. Waxaa jira sababo kala duwan oo taasi keenta: 

  • Haweeneyda si hamigeedu si wanaagsan uma kaco marka ay baqanayso ama amaan daro dareemeyso. Gudaha ferjigu wuxu ahaan doonaa qalayl badan oo murqaha hoose ee miskaheeda ayaa ururi doona. Gudaha ferjiga ayaa yaraan doona. Waxa adkaanaya gelinta xubinta taranka ninka ama macquul ma noqon doonto. Isku day inaad is dajiso.
  • Waxaa dhici karta in buuryada guska ninku ay aad u adkaato oo ayna dhax jibaaxi waydo dareeraha. Waxaad markaa tan ku wanaajin kartaa adiga oo dib u jiidaya buurta si dhalfadu u gasho qoraanka. Haddii ay xubinta taranka ninku sidaa ahaato, waa inuu u tagaa dhakhtar. Raga la guday ma laha buuryo.

Biyo dhac

Waxaad kaliya labadiinuba baranaysaan waxa uu midka jecel yahay iyo sida iyo goorta ay biyaha taranku idinka yimaadaan mudo kadib. Mar kasta inay biyo kaa yimaadaan maaha. Si midba mid ka kale si wanaagsan ugu barto oo aad khibrad u kala heshaan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo