Jidhka ka ganacsigu waxay ka dhigan tahay in galmada qofku uu lacag siisto ama faa'idooyin kale. Dadka iibiya galmada ayaa sidoo kale loogu yeedhaa shaqaalaha galmada ama jidhkooda ka ganacsada.

Haweenka raga galmada ka iibinaya ayaa ah qaabka ugu badan, laakiin sidoo kale raga iyo dadka jinsigooda badalay ayaa iibin karta galmada. Dadka iibsanaya galadu waxay noqon karaan rag iyo haween.

Dadka galmada iibinayaa iyo kuwa iibsanayaa waa inay ilaaliyaan xuduudooda oo ay qadariyaan xuduuda dadka kale ka dhaxaysa.

Galmada amaanka ah

Galmada amaanka ah waxa ay muhiim u tahay dhamaan dhinacyada marka loo yimaado Galmada iibka ah. Galmada amaanka ah ayaa naftaada kaga ilaalin kartaa iyo dad kaleba xanuunada galmada lagu kala qaado iyo uurka aan la rebin:

Tilmaamaha shaqaalaha galmada

Haddii aad iibiso galmo waa inaad la socoto qodobada soo socda:

  • Macaamiisha ka dalbo inay lacagta kuu qadimaan.
  • Dareenkaaga ku kalsoonaw. Diid macamiisha aad ka shakido.
  • Naftaada ilaali xuduudeeda. Si cad u sharax waxa aad doonayso inaad samayso iyo waxa aanad doonaynin inaad samayso. Ma jiro cid kugu khasbi kartaa inaad samayso waxaanad doonaynin inaad samayso.
  • Abuur jawi badbaado ah. Hel goob aad taqaano oo u sheeg qofka halka aad qabanayso.
  • Haddii ay macquul tahay: kala shaqee qof kale oo isla socda mararka qaar. Ku heshiiya calaamada digniinta.

Waxaad xaq u leedahay inaad joojiso galmada wakhtiga aad doonto haddii aad u aragto inay wax khaldan yihiin.

Haddii aad iibiso galmo, oo aad qabto su'aal, ama aad u baahan tahay caawimo, waxaad la xidhiidhi kartaa hay'ada adeegyada caafimaadka ama hay'adaha lodka.

Ka ganacsiga jidhka iyo sharciga

Sharci daro maaha inaad jidhkaaga ka ganacsato Norway gudaheedu, laakiin waa mamnuucl inaad iibsato. Dadka haysto dhalashada Norway iyo dadka degan Norway waa sharci daro inay dalal kale ka iibsadaan galmo.

Sharciga iyo shuruucda ku saabsan jidh ka ganacsigu way ku kala duwan yihiin dalalka Yurub. Ka ganacsiga jidhka ee qofka lagu khasbay iyo dadka lasoo tahriibinayo si looga dhigo shaqaale galmo waa ka mamnuuc Yurub oo dhan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo