Siigaysigu waxa uu ka dhigan yahay inaad naftaada u raaxayso adiga oo kicinaya jidhkaaga, gaar ahaan gudaha ferjiga, kintirkaaga, guska, naasahaaga ama dabadaada, adiga oo gacantaada isticmaalaya. 

Waxaad sidoo kale siigaysan kartaa adiga oo isticmaalaya shayyo, sida dildo ama vibrator (alaabaadka galmada). Ka taxadir inaad naftaada waxyeesho.

Waxaad tijaabisaa qaababka kala duwan oo kadibna ogaw waxa aad doonayso.

Siigaysigu waxyeelo malaha. Rag iyo haween badan ayaa siigaysta. Sidoo kale waa CAADI inaanad siigaysani.
Waxaad sidoo kale siigaysan kartaa adiga oo xidhiidh lamaane leh.

Sida loo siigaysto

Waxaad u siigaysan kartaa qaabab kala duwan. Tusaale ahaan:

Raga: 

  • salaaxa ibta, guska, dabada, xiniinyaha
  • guska kor u qabo oo gacantaada kor iyo dib u wad;
  • waxaana kala duwan xawaaraha, qaabka iyo inta uu le'eg yahay dhaqdhaqaaqu.

Haddii aad gudantahay, waxa wacan inaad isticmaashid baasliin ama wax kale oo jilciya laakiin aan lahayn wax saliid ah (biyo ku salaysan). Weligaa ha wada isticmaalin baasliin iyo koondhom. Waxay waxyeeli kartaa koondhomka.

Nin siigaysanaya
Faahfaahinta ninka gacantiisa uu ku hayo guskiisa isagoo siigaysanaya
Faahfaahin gacanta ninka oo la saaray iyadoo qoyan guskiisa oo la guday

Haweenka: 

Haweeney siigaysanaysa
Faahfaahinta haweeneyda siigaysanaysa tusaale 1: inay faraha geliso gudaha ferjiga oo ay ku wadwado
Faahfaahinta haweeneyda siigaysanaysa tusaale 2: haweeneyda oo salaaxaysa gudaha ferjiga, kintirkeeda iyo dabnaha xubinteeda

Midba midka kale ha u siigeeyo

Lamaanaha ayaa sidoo kale isku siigayn kara.

Haweeney u siigaynaysa nin
Nin u siigaynaya haweeney

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo