Galmada waxaa looga jeedaa talaabo kasta oo keeneysa in dareenka galmadu kaco. Galmado way ka badan tahay galmo la sameeyo oo kaliya. Waxay sidoo kale noqon kartaa dhunkashada, xashida ama galmada afka, iyo kuwa kale. Naftaada ayaad sidoo kale galmo la samayn karta (waxaana loo yaqaanaa siigaysi).

Galmadu waa udub dhaxaadka bilaa aadanka. Waa qaab caadi ah oo wanaagsan oo nafta lagu soo bandhigo. Galmada kaliya kuma taxaluuddo galmo laakiin waxa la socdo waxyaabaha tusaale ahaan: raaxada galmada wada raaxaysiga, wada jirka iyo in caruur la dhalo, sidoo kale mabaadii'da iyo mamnuucida rabitaanka galmada ee diinta.

Sababaha galmada loo sameeyo

Waxaa galmo loo samayn karaa sababo kala gedisan, tusaale ahaan haddii aad doonayso in:

Qaababka kala duwan ee galmada loo sameeyo

Waxaad galmo u samayn kartaa qaabab kala gedisan

  • galmada;
  • xashid;
  • duugid;
  • dhunkasho;
  • jaqid;
  • waxay dareen gelisaa qaybo kadib ah jidhka...

Waxaad galmo la samayn kartaa qof kale ama naftaada (siigaysi).

Galmado maaha kaliya khidada saxda ah. In qofba qofka kale dareenkiisa la socdo oo uu raaco rabitaankiisa, wadaaga dareen oo ay abuuraan jawida sax ah ayaa muhiim ah. 

Tijaabinta iyo in la ogaado waxa aad adiga iyo lamaanahaagu doonayo ayaa ugu wanaagsan. Uga sheeg rabitaankaaga iyo dareenka lamaanahaaga. Waxaad sidoo kale tijaabin kartaa kaaga.

Galmadu way kala duwanaan kartaa mar kasta.

Nolosha galmada qofku way isbadali kartaa inta uu noolan yahay, tusaale ahaan jidhkiisa ama mudada galmada (libido) ayaa is badali karta. Tani waa caadi. Dadku galmo ma sameeyaan mudo gaaban ama mudo dheer. 

Xidhiidhka kala duwan iyo nololaha galmada

Dadku waxay leeyihiin xidhiidho kala duwan iyo nolol galmo. Tusaale ahaan: dadka qaar ayaa galmo sameeya kahor inta ayna guursan, qaarna waxay sugaan guurka kadib. Dadka qaar kaliya waxay leeyihiin hal lamaane kaliya, kuwa kalena qaar badan. 

Dadka qaar ayaan rabin dareenka galmada ama hawlaheeda. Ma sameeyaan galmo. Qofku waxa aanu galmo samaynin noloshiisa oo dhan ama mudo gaaban. 

Dadka isku jinsiga ah ayaa sidoo kale samayn kara galmo. Qaabkan rabitaanka galmada ah (khaniis), laakiin dadka qaar ayaa galma la samayn kara dadka ay isku jinsiga yihiin iyaga oo aan naftooda u arag khaniis

Ogolaanshaha galmada

Mar kasta oo aad samayso galmo waa inaad ogolaataa oo aad dareentaa diyaar. Ogolaanshuhu waxa uu ka dhigan yahay xidhiidha galmo inay labada qofba ku heshiiyaan labada qof midkii doonaaba waxa uu go'aansan karaa inay joojiyaan.

Qofna haka ogolaan inuu kugu khasbo inaad galmo samayso.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo