Galmada iyo khamrida

Haddii aad cabto khamri, waxaad dareemi kartaa inaad u baahan tahay inaad galmo samayso naftaadana kama xakamayn kartid.

Inaad khamri cabto kahor inta aanad galmo samaynini waxay leedahay saamayn xun. Mar kasta oo aad wax badan cabto, waxa uu saamayn adag ku yeeshaa:

  • Ka taxadirkaaga khatarka inaad qaado xanuunada galmada lagu kala qaado, HIV ama uurka aan la doonaynin ayaa yaraada. Waxaad sidoo kale samayn kartaa galmo aan lahayn waxaad iskaga badbaadiso. Isticmaal koondhom inta aad galmada samaynayso.
  • Waxaad yar maamulidaada iyo waxaad samayn kartaa waxyaabo aanad doonaynin ama aanad ogolaanin.
  • Waxay kugu qaadanaysaa wakhti dheer inay biyuhu kaa yimaadaan oo biyaha kaa yimaadaana sidaa uma badna. 
  • Waxaa sidoo kale yaraanaysa rabitaankaaga galmada iyo kicida hamigaaga. Taasi sidoo kale haweenka ayaa leh badanaa.
  • Way adag tahay in ninka ay biyo ka yimaadaan. Mararka qaar waxaa dhici karta inaanu yeelanba.

Galmada iyo daroogada

Marka aad qaadato daroogadu waxay saamaynaysaa samayn galmada ah. 

Marka aad waxa la isku mudo aad cid kale la wadaagto waxaad qaadi kartaa HIV. Mar kasta alaab kuu gaar ah oo aad leedahay isticmaal. Kuwan dadka kale hala wadaagin.

Khamrida, daroogada iyo rimida

Haddii aad si joogto ah u cabto khamri ama mukhaadaraad oo mudo dheer ah, waxaa dhici karta inay yaraato sidaad caruurta u dhalaysaayi.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo