Bikirku waa unug yar oo jilicsan oo ku yaala dabada afka gudaha ferjiga. Ma xidho gudaha ferjiga.

Haweeney dhabarka u jiifta oo lugaha kala qabatay. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee muuqda.
Faahfaahjinta bikirka ee gudaha ferjiga haweeneyda

Noocyada bikirka

Bikir kastaa qaab ahaan iyo cabir ahaan wuu kala duwan yahay:

  • Maqaarku waxa uu noqon karaa dib cufan ama dhuuban.
  • Bikirku waxa uu noqon karaa mid jilicsan, kala dheer ama duuduuban.
  • Waxa uu noqon karaa mid yar ama balaadhan.
Bikir kala duwan: bikir leh af yar
Bikir kala duwan: birkir leh af dhex dhexaad ah
Bikir kala duwan: bikir leh af wayn

Galmada marka ugu horeysa

Haweeneyda khasab maaha inay marka ugu horeysa ee ay galmo samayso ay dhiigto. Waa is le'eg yihiin inta dhiigta iyo inta aan dhiigin marka kowaad.

Haddii uu kala baxo bikirku ama uu dilaaco qofka uu damqanayaa, oo waxaa dhici kara in haweeneydu yeelato waxoogaa dhiig ah oo ka da'da. Laakiiin, haweenku badanaa ma dareemaan.

Haweenka qaar ayaa laga yaabaa inay dhiigaan maadaama oo ay dhawacmeen ama uu gudaha ferjigu dilaacay. Waxa ay taasi iman kartaa haddii si wanaagsan dareenka haweeneydu aanu u kicin ama ayna jeclaysanaynin galmada. Waxaa sidoo kale ay ka iman karaa haddii murqaha gudaha ferjiga ku xeeran ay aad iskugu uruursan yihiin maadaama oo ay haweeneydu kacsan tahay. 

Bikirku ma cadayn karo inay haweeneydu bikirad tahay. Bikirku sidoo kale wuu kala bixi karaa ama uu dilaaci karaa, iyada oo xataa haweeneydu weli bikir tahay.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo