Xubnaha taranka ee ragga ee muuqda (dibada ah) waa: 

Dhalfada gusku waa xasaasi dusheedu. Buuryadu waxay ku duuban tahay dhalfada. Waxaa loo uruurin karaa xaga danbe maqaarka buuryada hadana ilaa xaga hore ayaa loosii dayn karaa. Taabashada ama salaaxa guska/dhalfadu badanaa waxay keentaa in dareenku kaco iyo macaansi galmada ah oo ninka ah oo badan, waxayna keeneysaa in uu qofka biyuhu ka yimaadaan. Raga qaar ayaa lagu sameeyey gudniin. Ma laha buuryo, ama wax kamid ah buuryada. 

Afka tuunbada kaadidu waxa ay ku jirtaa dhalfada. 

Nin taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee muuqda.
Xubnaha taranka ee ragga ee muuqda waa: 1. xubinta taranka ninka, 2. koofiyada xubinta taranka, 3. xiniinyaha. Waxaa ku duuban dhalfadu: 4. buuryada, taas ayuuna gudaha kaga jiraa: 5. afka tuunbada kaadida.
Xubnaha taranka ee ragga ee muuqda waa: 1. xubinta taranka ninka, 2. koofiyada xubinta taranka, 3. xiniinyaha. Waxaa ku duuban dhalfadu: 4. buuryada, taas ayuuna gudaha kaga jiraa: 5. afka tuunbada kaadida.

Guska iyo xiniinyaha

Gusku wuxu leeyahay 2 shaqo:

  1. Haddii uu gusku jilicsan yahay: kaadida ayaa kasoo baxaysa jidhka iyada oo soo maraysa guska;
  2. Haddii uu gusk adag yahay (qofku hamoonayo): biyaha taranka ninka ayaa kasoo baxaya jidhka iyada oo soo maraysa xubinta taranka.

Biyaha taranka ninka iyo kaadidu isku mar kama soo wada bixi karaan guska. 

Ninka hamoonayaa waxa kacsan dareenkiisa galmada. Gusku wuxu la bararaa dhiig iska buuxiya. Ragu badanaa aroortii marka ay soo toosaan guskoodu wuu adag tahay. Taas macnaheenu maaha inuu hamoonayo qofku.

Wakhtiga galmada, gus adag ayaa gelaya gudaha ferjiga ama dabada (dhaxgal).

Kiishka xiniinyada waxaa ku jira xiniinyihii.

1. Guska jilicsan oo laga arko gudaha, taas oo muujinaysa sida kaadidu uga soo bixi karto jidhka ninka
2. Gus kacsan oo laga arko gudaha, taas oo muujinaysa sida biyaha taranka ninku uga soo bixi karto jidhka ninka

Noocayada guska

Cabirka iyo qaabka guska raggu way kala duwanaan karaan. Raga qaar ayaa leh gus wayn, qaar kalena waxay leeyihiin kuwa yar. Cabirka guska kacsan iyo guska aan kacsanayn way kala cabir duwanaannaysaa oo ninka kasta kiisu in ayuu le'ekaadaa. Raga qaar ayaa leh gus soo qaloocda, kuwa kalena waxay leeyihiin kuwa toosan. Qaabka uu u eeg yahay gusku muhiim uma aha shaqadeeda ama wanaaga galmada.  

Noocyada guska: tusaale 1
Noocyada guska: tusaale 2
Noocyada guska: tusaale 3
Noocyada guska: tusaale 4

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo