Waxaa jira ikhtiyaaro badan oo loo xakamayn karo dhiiga wakhtiga caadada, sida buush, tuwaaln nadiifin ah iyo koobka caadada.

Tuwaalka caadada

Tuwaalka nafiidintu waa mid yar oo aad dhax galinayso nigiska aad xidhan tahay. Waxay uu kaga dhagi karaa gudaha, markaa si uu halkaa uu u joogo. Waxaad iibsan kartaa tuwaalka nadiifinta oo cabiro kala duwan ah, qaabab iyo awooda nuugista ah.

Si joogto ah u badal tuwaalka nafiidinta dhawrkii sacaadood ba oo walba ama marka uu buuxsamo.

Tuwaalka nadaafada
Tuwaalka nadaafadda oo nigiska lahoos geliyo
Isticmaalka tTuwaalka nadaafada oo la isticmaalay ee oo lagu tuuray salada qashinka

Buushka

Buushku waa cudbi yar oo duuban oo gudaha la geliyo. Cudbida waxaa la geliyaa gudaha ferjiga dhaxdiisa, halka dhamaadkeeduna ay kasoo laalaado xubinta taranka afkeeda. Waxaad iibsan kartaa buush kala cabir ah.

Si joogto ah iskaga badal cudbida dhawrkii saacadoodba ama marka ay buuxsanto. Si aad iskaga saarto cudbida, aayar uga soo saar adiga oo afka soo qabanaya.

Waxaad kala dooran kartaa haddii aad doonayso inaad isticmaasho buushka ama tuwaalka nadiifinta. Haddii aad ka warwarsan tahay inuu dilaaco bikirkaagi waxaad isticmaali kartaa tuwaalka nadiifinta.

Buush
Haweeney dabnaheeda kala haysa is ay u geliso buushka gudaha ferjiga dhexdiisa
Haweeney is galinaysa buushka
Buush ku jira gudaha ferjiga haweeneyda
Haweeney iska saaraysa buushka iyada oo xaga danbe soo qabanaysa
Buush la isticmaalay oo lagu darayo qashinka

Koobka caadada

Koobka caadadu waxa uu waxoogaa u eeg yahay koobka ciyaarada kubada. Waxa uu ka samaysan yahay silicon iyo rabadh. Koobka caadada waxaa la geliyaa gudaha ferjiga. Dhiiga ma nuugee, wuu ku uruuraa. Inta aad kasoo saarto koobka caadada, ka shub, maydh oo dib u isticmaal.

Haddii ay jirto damqasho

Damqasho xaluska ah ama dhabarka hoose waa caadi wakhtiga caadada. Haddii xanuunku uu saamaynayo noloshaada maalintii iyo hawlaha aad qabanayso waxaad:

  • qaadan kartaa kiniin kaar jabiye ah; waxaad ka iibsan kartaa kiniin kaar jabiye ah oo caadi ah farmasiga adiga oo aan u baahan in laguu qoro,
  • waxaad caloosha ama dhabarka saartaa maro aad kululaysay ama caagad biyo diiran ah,
  • jimicso ama waxaad qabataa waxoogaa jimicsi iskala bixin ah,
  • bilaw inaad qaadato uur baajiyaha hormoon wata.

Waa inaad la xidhiidha daryeelka bixiyaha guud haddii ay talooyinkani wax kuu tari waayaan.

Galmada

Haweenka qaar ayaa doona inay sameeyaan galmada inta ay caadada leeyihiin; qaar kalena ma doonaan. in aad galmado samayso xiliga dhiiga caadadu kaa socoto dhib ma keento.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo