Maydh bannaanka ferjiga maalin kasta.

  • Maydh bannaanka ferjiga xagga hore ilaa gadaal iyada oo isticmaalaysa biyo oo iska ilaalinaysa saabuunta. 
  • Waa inaanad ku maydhin bannaanka ferjiga uumiga biyaha oo toos ah meesha uu afka gudaha ferjiga ku yaalo. Biyo waa inaanad ku radin ama ku shubin gudaha ferjiga.
  • Dabada xaga hore ilaa gadaal maydh, oo ka ilaali gudaha ferjiga.

Inta aad caadada leedahay si joogto ah xafaayada iskaga badal.

Haween badan (dhallinyarada) waxay xiiraan timahooda maadaama ay sidaa doorbidaan. Xiiridu daruuri uma aha nadaafada.

Gudaha ferjiga haweenku wuxu leeyahay dheeli tire pH oo dabiici ah. Dheeli tirkaas ayaa ka ilaaliya inuu caabuq qaado xubinta taranka haweenku. Waxaa muhiim ah inaanad khalkhalinin dheelitirka pH ee dabiiciga ah ee gudaha ferjiga. Markaa, waa inaanad ku radin ama muquurin biyo gudaha ferjiga.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo