Madheerta
Waa unug la kora ilmaha uurka ku jira makaanka dhaxdiisa marka ay haweeneydu uur leedahay. Nafaqadu waxa ay inta hooyada ay kasoo gudubto ilmaha ugu gudubtaa madheerta, wixii ilmaha kasoo baxayana waxa uu soo dhax martaa iyada oo uu hooyada kusoo gaadhaa. Madheerku iyo ilmuhu waxay ku xidhiidhsan yihiin xudunta. Madheertu waxay kasoo baxdaa jidhka haweeneyda, 10 ilaa 30 daqiiqo kadib umusha.