Shaybaadhka ogaanshaha hore ee caruurta

Dhalmada kadib iyo marka laga baxayo isbitaalka, ilmahaaga waxaa la socon doona xaaladiisa xarunta caafimaadka dawlada hoose ee halka aad ku nooshahay. Waa inaad la xidhiidhaa xarunta caafimaadka marka aad guriga ku noqoto ee aad ka tagto isbitaalka. Kaaliyaha caafimaadka shacabka ayaa kugula soo xidhiidhi doonta guriga inta ay soo booqato oo waxa adiga iyo ilmahaaga ay idiinku yeedhi doontaa shaybaadh xarunta caafimaadka ah. Halkaas, shaybaadhka caafimaadka ayuu samayn doonaa kaaliyaha caafimaad shacabka ama dhakhtarku. Ilmahaaga si taxadir leh ayaa loo baadhi doonaa si looga hor tago, loo ogaado oo loo daweeyo wixii xanuuno mustaqbalka ah ilaa inta la awoodo wakhti hore. Waxaad sidoo kale heli doontaa macluumaad iyo tilmaamo ku saabsan sida aad ilmahaaga caafimaadkiisa u ilaalinayso. Dhamaan booqashooyinka iyo shaybaadhadu waa bilaash. Ilmahaagu waxa uu mari doonaa isugayn 13 shaybaadh kahor inta aanu bilaabin dugsiga hoose. Haddii ay dhacdo in ilmahaagu uu xanuunsado inta u dhaxayso booqashooyinka xarunta caafimaadka, waa inaad la xidhiidhaa dhakhtarka guud. Haddii aad waydo dhakhtarka guud waa inaad la xidhiidhaa adeega caafimaadka ee kuugu dhaw ee saacada fasaxa.

Early detection examinations for babies and children

After birth and being discharged from the hospital, your baby is followed up by your local municipal health center. You should contact the health center once you have returned home from the hospital. A public health nurse will conduct a home visit and invite you and your baby for checkups at the health center. There, health examinations are carried out by the public health nurse or a doctor. Your baby is carefully examined to prevent, detect and treat potential illnesses as early as possible. You will also receive information and guidance on keeping your child healthy. All visits and examinations at the health center are free of charge. Your child will attend a total of 13 checks before your child starts primary school. In case your child becomes ill between visits, you must contact your general practitioner. If you do not have access to a general practitioner you must contact the nearest out-of-hours medical service.