Xanuunada Galmada Ku Faafa

Waxaad ilmaha qaadsiin kartaa haddii xanuunka galmada lagu qaado ee aad qabto aan la dawaynin. Waxaa khatar gelin karta ilmaha haddii aad qabto xanuun galmada lagu qaado oo aan la dawaynin. Haddii aad og tahay inaad qabto xanuun galmada lagu kala qaado, kala hadal dhakhtarka ama umulisa. Isaga/iyada ayaa kaa caawin karta inaad qaado talaabada saxda ah ee aad ku ilaalinayso ilmaha uurka ku jira.

Badanaa xanuunada galmada lagu kala qaado waa la daweeyaa inta uurka la sido iyada oo aan wax khatar ah u lahayn ilmaha.

Dawooyinka gudaha ferjiga ee 3 bilood ee ugu danbeeya uurku waxay khatar ku noqon karaan ilmaha uurka ku jira. La xidhiidh dhakhtar ama kaaliye caafimaad isla markaba haddii aad u aragto inaad qabto caabuq.

Haddii aad uur leedahay waxaad mari doontaa shaybaadhka HIV, jooniska iyo jabtida. Haddii aad ka yar yahay 25 jir waxaa sidoo kale lagu marin doonaa shaybaadhka waraabawga. Haddii aad doonayso inaad iska baadho xanuun gaar ah oo galmo lagu kala qaado, waa inaad ka dalbataa dhakhtarka ama umulisada.

HIV

Haddii aad qabto HIV, waxaad dheli kartaa ilmo caafimaad qaba:

  • Haweenka uurka leh ee qaba hiv waa inay qaataan dawooyinka inta ay uurka leeyihiin iyo marka ay umulayaan. Markaa khatarta in ilmuhu qaado xanuunada hiv way yaraanaysaa.
  • Ilmaha caadiyan waxaa loo dhalaa si caadi ah. Haddii dhakhtarku u arko inay kuu badbaado tahay, ilmaha waxaad ku dhalaysaa qaliin
  • Ilmaha waa in la siiyaa dawo mudo ah marka uu dhasho kadib.
  • Hooyadu waa inayna naaska siinin ilmaheeda. Caanaha naaska waxaa dhici karta inuu la socdo HIV. Waxaa jiraa qaar kale oo la isku dhax galo ilmhaaga.
Haweenka uurka leh ee qaba HIV waa inay qaataan dawooyinka inta ay uurka leeyihiin iyo marka ay umulayaan.
Ilmaha caadiyan waxaa loo dhalaa si caadi ah.
Ilmaha waa in lasiiyaa dawooyin marka uu dhasho kadib.
Hooyadu waa inayna naaska siinin ilmaheeda. Caanaha naaska waxaa dhici karta inuu la socdo HIV
Hooyadu waxay ilmaha siinaysaa masaasad.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo