Waxaa wanaagsan in aad sugto inaad galmo samayso ilaa inta aanad damqasho dareemeynin. Haddii lagu jeexay maqaarka u dhaxeeya gudaha ferjiga iyo dabada (futada) ama uu iska dilaacay, sug ilaa inta uu ku ladnaanayo. Dhakhtarka ama umulisada ayaa kaala talin doona.

Ka taxadir marka aad galmada samaynayso marka ugu horeysa ee aad umusho kadib. Waxa ay qaadataa mudo.

Lamaane ahaan waa inaad heshaan qaab cusub oo dheelitir ah. Hurdo la'aan, warwar iyo dareenka ayaa saameeya nolosha galmada:

  • Haween badan way daalan yihiin, waxayna ku leeyihiin xanuun gudaha ferjiga ama way qalalan tahay iyo naasaha oo xanuunaya. Waxa yaraata rabitaankooda inay galmo sameeyaa (hamo yari).
  • Raga laftooda way ku adkaan kartaa inay galmo sameeyaan iyaga oo ka baqi qaba inay lamaanahooda waxyeelaan. 

Galmadu way ka saraysaamaaha keliya xubinta taranka ee xubinta taranka galaysa.

Galmadu way ka saraysaa xubinta taranka ee xubinta taranka galaysa. Waxaa jira noocyo badan oo galmo ah. Sidoo kale waad siigaysan kartaa, salaax, duugmo, is xashid, ama in qofka uu afka la galo xubinta taranka. 

Galmo kala duwan - tusaale ahaan 1: siigaysi
Galmo kala duwan - tusaale ahaan 2: salaax
Galmo kala duwan - tusaale ahaan 3: xashid
Galmo kala duwan - tusaale ahaan 4: galmada afka

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo