Galmo waad samayn kartaa markaad uur leedahay.

haweenku qaar waxay donaan in ay galmo sameeyaan badan, halka qaar ay donaan in ay yareeyaan:

  • Bilaha ugu horeeya ee uurka, haweenka badan ma jecla in ay sameyaan galmo. Waxay leeyihiin yalaalugo iyo daal iyo naasahaaga ayaa ku xanuunaya. Lamaane badan waxay ka warwaraan mustaqbal kooda.
  • Dhinaca kale, gudaha ferjiga, kintirka iyo naasaha intooduba xasaasi ayay noqdaan. Haweenka qaar ayaa jecel in ay galmo sameyaan.
  • Haweenka qaar in ay sameeyaan galmo xiligaa uurka waxay ku tahay raaxo la'aan ama xanuun badan.

Raga qaar ayay ku adag tahay inay u galmoodaan haweeneyda uurka leh kuwaas oo ka baqa inay iyada ama ilmaha uurka ku jira wax yeelaan.

Wax waxyeelo ah kuma imanayso ilmaha

Galmada ilmaha waxba ma yeelayso maadaama oo ilmaha uu ilaaliyo makaanku. Biyaha taranka ninku ma galaan makaanka. Afka makaanku wuu xidhan yahay.

Ma jirto wax khatar ah oo ilmo qubasho ah, laakiin wax galmo ah ha samaynina haddii dhakhtar uu idinkala taliyo.

Galmadu way ka saraysaa xubinta taranka ee xubinta taranka galaysa. Waxaa jira noocyo badan oo galmo ah. Sidoo kale waad siigaysan kartaa, salaax, guudmo, is xashid, ama in qofka uu afka la galo xubinta taranka.

Haweeneyda uur leh oo taagan. Diirada waxaa la saarayaa xubnaha taranka ee gudaha iyo ilmaha oo ku jira makaanka.
Faahfahin xubnaha taranka ku jira gudaha ee haweenka uurka leh. Ilmuhu wuxu ku jiraa uurka. Guska oo galaya gudaha ferjiga haweenka mana gaadho uur jiifka.

Qaabab kala gedisan

Waxaad eeg kartaan qaabab kala duwan kuwaas oo raaxo badan oo xanuun yar.

Galmo xiligi uurka tusaale 1: Haweeney uur leh oo dul fadhida ninka.
Galmo xiligi uurka tusaale 2: Ninka iyo naag uur leh oo u jiifa dhinac, ninkuna waxa uu ka danbeeya haweeneyda.
Galmo xiligi uurka tusaale 3: Haweeney uur leh oo cuskatay gacmaheeda iyo jilbaheeda. Ninku wuu daba jilba joogaa haweeneyda.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa

Si aad naftaada uga ilaaliso xanuunada galmada ku faafa, waa inaad isticmaashaa koondhom inta aad xataa uurka leedahay. Waxaad qaadsiin kartaa xanuunada galmada ku faafa ilmaha caloosha ku jira.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo