Fargalka gudaha ferjigau waa qaab uur baajiye ah.

Fargalka gudaha ferjigu waa mid dhuuban, daacsan laga sameeyay caag. Waxaa uu wataa 2 hormoon oo kale sida uur baajiyaha oo kale. Hormoonadani waxay ka hortagan xuub axalka unuga. Waxay sidoo kale ku adkeyaan in biyahan taranka unugyadoodu galaan ilma galeenka si ay uu gaadhan unugyada beedka. 

Fargalka gudaha ferjiga
Maroojinta fargalka gudaha ferjiga

Sida loo isticmaalo fargalka gudaha ferjiga

U isticmaal fargalka gudaha ferjiga sida:

  • Maroojinta fargalka. 
  • Geli fargalka gudaha ferjiga dhexdiisa. Waxaad u gelin kartaa fargalka siyaaboyin badan, tusaale ahaan: 1 lug ku istaag, adoo jiifa, ama foorara.
  • Geli 1 far gudaha ferjiga haweenku oo riix fargalka intaa aad awoodo. 
  • Fargalku waxa uu ku jirayaa meshiisa markaa samaynayo galmo. Waad ka saari kartaa fargalka gudaha ferjiga markaad galmo samaynayso, laakiinse waa inaad kusoo celiso 3 saacadood ka dib. 
  • Markaa aad rabto in aad saarto gali far gudaha ferjiga kadib kusoo jiid fargalka. Si dagan usoo jiid. 
  • 3 Isbuuc markaad si joogto ah u istimaasho fargalka, ku tuur gashinka. Ka saar fargalka maalinta ku beegan maalintaad gashatay (tusaale ahaan: Arbaca).
  • 7 cisho ee soo socota (1 isbuuc), ma isticmaalaysid fargalaka gudaha ferjiga. Wigaan waxaad bilaabaysaa in aad dhiigto (wakhtigii caadada). Markaa todobaadkan waxba kuguma dhacayaan.
  • 7 cisho kadib (1 isbuuc) waxaad galinaysaa fargal cusub, haddii xitaa aad dhiigayso. 
  • Kuceli talaabadii hore.
Maroojinta fargalka.
Geli fargalka gudaha ferjiga.
Geli 1 far gudaha ferjiga haweenku oo riix fargalka intaa aad awoodo.
Fargalka si fiican u dhig gudaha ferjiga dhexdiisa.
Fargalku waxa uu yaala meeshii loogu talo galay marka galmo la samaynayo. Waad ka saari kartaa fargalka gudaha ferjiga markaad galmo samaynayso, laakiinse waa inaad kusoo celiso 3 saacadood ka dib.
Si aad uga saarto fargalka waxaad farta galisaa gudaha ferjiga kadib soo sudh fargalka. Si dagan usoo jiid.
3 isbuuc kadib markaa si xidhiidh ah u xidhnaato ku tuur gashinka.
Xidhnaw fargal ka si joogta ah 3 isbuuc. 7 cisho ee soo socota (1 isbuuc), ma isticmaalaysid fargalaka gudaha ferjiga. Wiigan caadada ayaa bilaabmaya. 7 cisho kadib (1 isbuuc) waxaad galinaysaa fargal cusub, haddii xitaa aad dhiigayso. Kuceli talaabadii hore.

Lagu kalsoon yahay

Fargalka gudaha ferjiga haweeneyda aad baa loogu kalsoon yahay hadaad si hagaagsan u isticmaasho.
Fargalka gudaha ferjiga haweeneydu maaha mid lagu kalsoon yahay, ama waa mid kalsooni yar, haddii:

  • Waxaad qaadata antibiotics ama kiniin ka hortaga epilepsy ama HIV. Ka hubi arinka dhakhtar ama farmasiileh;
  • Waxaad ilawday in aad geliso fargalka gudaha ferjiga 7-cisho ka dib, ama waxad ilawday in aad badasho;
  • Waxaa kaa lumay fargalka gudaha ferjiga oo dib umaad gelinin, ama geli mid cusub, 3 saacadood gudahood.

Fargalka gudaha ferjiga waxaad isticmaali kartaa 4 bilood markaa farmasiiga ka soo iibsatay ka dib. 

Saamaynta uu ku leeyahay caafimaadkaaga

Fargalka gudaha ferjiga waxa u wataa hormoon. Hormoonadaasi caadiyan ma saameeyaan caafimaadkaaga.

Mararka qaar waxaa wanaagsan balse, in aad doorato qaab kale oo uur baajiye ah. Tusaale ahaan: haddii maalintaa aad cabto wax badan 15 sigaar da'daaduna ay kawayn tahay 35, haddii aad khatar ugu jirto in uu kugu dhaco wadne xanuun ama xudurada xididaha. Dhakhtar waydii talo.

Fargalka gudaha ferjigu hoos ma u dhigayso bacrinimadaada Hadaad rabto inaad uur yeelato, waxaad iska saaray saa uun fargalka gudaha ferjiga.

Intaad ku jirto isticmaalka bisha hore, waxaa laga yaabaa in aad yeelato  " data-toggle="tooltip" href="http://zanzu.no.dedivirt990.your-server.de/en/dictionary/letter/side-effect/">side-effects sida xanuun naasaha, isbadal dabecadeed, madax xanuun and yalaalugo. Saamayntu inta badan waxay daran yihiin bilawga, kadib way iska tagaan iskood sadex bilood gudahood. Haddii aanay dhibtu kaa tagin waxaad u badalan kartaa qaab uur baajiye kale.

Wakhtigaa caadadu inta badan waxay noqotaa mid culus laakiin xanuun yar.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Fargalka gudaha ferjigu ma horjoogsado xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhom uun baa kaa ilaalin kara.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo