IUD-ga hormoonka wata

IUD-ga hormoonka wata waa qaab uur baajiye ah. IUD-ga hormoonka wata waa rabadh tuunbo caaq ah oo t-uqaabaysan. Waxay wadataa hormoon.

Siduu shaqeeyo IUD-ga hormoonka wata

Hormoonku waxaa u ku adkeeyaa biyahay taran ee dhecaanka ku jiraa in ay dhaqaaqan. Biyaha taranku ma awoodaan in ay gadhaan ilma galeenka ama beedka qaan gaadhay. Hormoonka dartii, beedku isma gaadhsiin karo iskii laynka uur galeenka.

  • Dhakhtar ama kalkaaliso caafimeed bulsheed ama umuliso ayaa galin IUD da ilma galeenka. Tani way xanuun badnaan kartaa. Haddii ay xanuun badan tahay, dhakhtarku wuxuu ku siin karaa kaar jabiye.
  • IUD-ga hormoonka wata waxaa u wax tar leeyahay sadex sano. Waxaa kale oo jira nooc IUD hormoon wata kaas oo shaqeeya shan sano. Sadex ama shan sano, waa in IUD da la badalaa.
  • Kadib marka la galiyo isbiraalka (spiral) hormoonka leh, waxaa dareemi laba guntiimo qayta ugu saraysa ee gudaha ferjiga. Waxay kasoo laa'laadan afka ilma galeenka, taas oo fududeysa in la saaro IUD.
Haweeneyda taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
IUD waxaad galiyasaa makaanka. Waxaa kagu reebaya 2 dub oo gaaban dhinaca bidix ee sare ee gudaha ferjiga haweenku, ilmo galeenka dibadiisa.

Kalsooni

IUD-ga hormoonka wata waa lagu kalsoon yahay haddii si fiica loo isticmaalo. Si kasta ha ahaate, dawoonyinka qaar oo loo isticmaalo HIV waxay yareyaan saamaynta. Xaalado dhif ah ayuu IUD soo dhici karaa.

Saamaynta uu ku leeyahay caafimaadkaaga

IUD-ga hormoonka wata waxaa ku jira hormoon. Hormoonadani inta badan ma sameeyaan caafimaadkaaga. Haweenka qaar ayaa yeesha cudcun, ku yeshaa naasaha waxaanay noqdaan xasaasi, waxay yeshaan niyad jab, ama waxay yeeshaan madax xanuun. Saamayntu inta badan waxay daran yihiin bilawga, kadib way iska tagaan iskood sadex bilood gudahood. Haddii aanay dhintu kaa tagin waxaad u badalan kartaa qaab uur baajin kale. 

Caadadaadu inta badan way fududahay ama gebi ahaanba way guurtaa.

Hadad rabto inaad uur yeelato, waad iska saari kartaa IUD.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

IUD-ga hormoonka wata kaama ilaalinayo xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhom uun baa ku ilaalin kara.

Naxaasta IUD

Naxaas IUD waa qaab uur baajiye ah. Naxaas IUD waa rabadh tuunbo caaq ah oo t-uqaabaysan. Naxaad rabadh ah ayaa lagu duuba IUD.

Sida naxaaska IUD u shaqeeyo

  • Naxaaska UID waxaa uu xadidaa dhaqdhaqaaqa biyaha taranka.
  • Waxa ay ka hor joogsataa in beedku iskii uu u galo makaanka.

Dhakhtar ama kalkaaliso caafimeed bulsheed ama umuliso ayaa galin IUD da ilma galeenka. Tani way xanuun badnaan kartaa. Haddii ay xanuun badan tahay, dhakhtarku wuxuu ku siin karaa kaar jabiye.

IUD maarta ahi waxa uu wax taraa mudo shan sano ah. Shan sano ka bacdi waa in IUD da la badalaa.

Kadib marka la galiyo IUD, waxaa dareemi laba guntiimo xaga ugu saraysa ee gudaha ferjiga. Waxay kasoo laa'laadan afka ilma galeenka, taas oo fududeysa in la saaro IUD.

Kalsooni

IUD maarta ah waa lagu kalsoon yahay haddii si fiica loo isticmaalo. Mararka qaar IUD waa la kala qaybin karaa. Xaalado dhif ah ayuu IUD soo dhici karaa.

Saamaynta uu ku leeyahay caafimaadkaaga

Naxaas IUD ah wax hormoon ahi lama socdaan. Naxaas IUD kaama kaxaynayo dhalasha. Hadad rabto inaad uur yeelato waad iska saari kartaa IUD.

Wakhtigaa caadadu inyar ayay ka adkaan kartaa ama ka xanuun baadnaan kartaa. Marka hore, waxaa laga yaabaa in aad yeelato dhiig u dhexeeyaa wakhtigaaga caadada. Tani waxay ka dhigantahay in aad ka dhiig badato afartii isbuuc ba. Mararka qaarna waxaa laga yabaa in aad xanuun ku yeelato caloosha inta ka horaysa ama ka danbaysaa caadadaada billaha.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Naxaas ka IUDkaama badbaadiso xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhom uun baa ku ilaalin kara.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo