Koondhom waa qaab uurka loo baajiyo. Koondhomku waa rabadh yar oo daboola guska. Waxa uu qabtaa biyahay taran ninkaa marka ay ka yimaadaan.

Koondhomka waxa la helaa isagoo noocya iyo cabir kala duwan ah, taas oo ku xidhan dhumucda guska. Koondhomka waa in aanu aadna u giijisnay aad na aanu u balaadhnay.

Sida loo gashado koondhom

Gasho koondhom intaa anaad guda galinin. Usamee sida soo socota:

  • Eeg taariikhda uu dhacaya in aanay dhicin iyo in aanay bushqadu wax noqonin hubi. Istimaal oo kaliya koondhom ay ku taalo tayada CE daboolkiisa. 
  • Dilaaci bacda. Waxaa jiraa jeexitaan yar hal dhinac oo bushqada ku yaal oo kaa caawinaya. Haku furin maqas, mindi ama ilkaha. Waxaa laga yaaba in uu koondhomku dilaaco. Iska ilaali cidiyo dhaadheer. 
  • Buuryada guska dib u celi haddii aanu gudnayn. Tuuji afka horee ee koondhomka si aad ugu banayso biyahay taran meel oo geli koondhom guska dushiisa. Gusku waa inuu adkaado (dareenkeedu kacsan yahay).
  • Waxaad xaqiijisaa in aad afka hore ka sululixiso oo aad banaanka uga saarta marka aad iska saarayso koondhomka. Dib u duub koondhomka guska dushiisa oo dhan si aanay wax uga daadanin. 
  • Markaa biyahay taranka ka yimaadaan kadib ka saar koondhomka guska isaga oo adag. 
  • Ka qabo koondhom kaa xaga danbe si aad u xaqiijiso in aanay wax ka daadanin. 
  • Gunug koondhomka si aad uga illaaliso in aanay biyahay taranku daadanin. Ku tuur koondhomka qaashinka markaa isticmaasho. 
Eeg in aanu dhicin uur baajiyuhu. Isticmaal oo kaliya koondhom ka ay kutaalo tayada CE du dushiisa.
Dilaaci bacda. Waxaa jiraa jeexitaan yar hal dhinac oo bushqada ku yaal oo kaa caawinaya.
Tuuji afka horee ee koondhomka si aad ugu banayso biyahay taran meel oo geli koondhom guska dushiisa.
Dib u duub koondhomka guska dushiisa oo dhan si aanay wax uga daadanin.
Koondhomku wuxuu diyaar u yahay in la isticmaalo
Markaa biyahay taranka ka yimaadaan kadib ka saar koondhomka guska isaga oo adag.
Ka qabo koondhom kaa xaga danbe si aad u xaqiijiso in aanay wax ka daadanin.
Gunug koondhomka si aad uga illaaliso in aanay biyahay taranku daadanin. Ku tuur koondhomka qaashinka markaa isticmaasho.

Koondhomka mar kaliya isticmaal. 

Ha isticmaalin 2 koondhom hal mar. Waxaa laga yaabaa in uu koondhomku dilaaco.

Isticmaal oo kaliya biyo- saliid ee koondhomku leeyahay.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Koondhom waxaa u sidoo kale ka hortaa ama yareeya HIV iyo kuwa kale ee galmada lagu qaado.

Masuuliyiin wada jir

Labada lamaane waxay wadaagaan masuuliyada uur baajinta ee isticmalka koondhomka. Kala hadal lamaanahaaga arinkaas.
 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo