Qaababka xakamaynta

Xakamaha lagu sameeyo cinjirka, rabadh ama silikoon waxay ka horistaagan biyahan taran ninku in ay gaadhan unugyada beedka haweeneyda:

Koondhom
Koondhomka haweenka
Koobka uur baajinta (Diaphragm)

Hababka hormoonka ku shaqeeya

Hormoonku waxay saameyn ku yeeshaan xubnaha taranka ee haweenka. Hormoonadu waxay leeyihin sadex saamayn: waxay ka hortagaan soo bixida beedka, waxaay ka ilaaliyaan in u dhecaan galo ilmo galeenka waxay sidoo kale ka hortagaan xuub axalka unuga ee ilmo galeenka u udiyaarka ah uurka.

Kiniinka ka hortaga uurka
Fargalka gudaha ferjiga
Xabagta ka hortaga uurka
IUD hormoon wata
Maqaargalinta uurka hortaga
Irbada ka hortaga uurka

Qalab lagaliyo ilmo galeenka

Dhakhtar ama khabiir caafimaad ayaa galiyaa aalada uur baajiyaha ah ilma galeenka haweenka:

IUD hormoon wata
Naxaas IUD

Qaab dabiiciga ah

Waxaa jiraa qaabab badan oo lagu garto maalmaha beedku diyaar yahay. Qaabka dabiiciga ah isku halayntiisu way yar tahay marka loo eego kuwa kale ee uurka baajiyayaasha ah.

  • Qaabka sympto-thermal: Si aad u isticmaasho qaabka waa inaad aroorkasta xaraarada jidhkaaga cabirtaa inta aanad kicin. Waxaad aad fiiro gaar ah u yeelanaysaa sida uu dhecaanka gudaha ferjigu isku badalo. Maalinkasta waxaad qoraysaa waxa aad aragto. Isbadalka xaraarada jidhka iyo dhecaanka gudaha ferjiga, waxay sheegtaa maalmaha beedku diyaar yahay. Qaabkan, waxaad u baahantahay macluumaad dheraad ah iyo warbixin. Waydii dhakhtarkaaga ama khabiir caafimaad. Waxaa kale oo jiraa kombuyuutarr iyo app xisaabiya maalmaha beedku diyaar yahay. Iyaga oo kaliya isticmaalkoodu amaan maaha.
  • Joojinta galmada: ninku waxa uu guskiisa ka saaraa gudaha ferjiga haweeneyda kahor inta aanay biyihu ka iman / aanu biyo dhicin. Laakiin – xataa kahor inta aanu bixiyuhu ka iman, dareereyaal ayaa kasoo daata guska. Badanaa dareerahaas waxaa la socota biyaha taranka ninka. Waataas sababta qaabkani aanu u ahayn qaabka badbaado badan.
  • Naasnuujinta ilmahaaga: Waxaad naasnuujin kartaa oo kaliya lixda bilood ee u horeeyaa markaad dhasho iyadoo ah qaab ka uurka loo baajiyo. Waaa inaad naasnuujisid ilmaha lix jeer 24 kii sacadood ba. Waa inaad naasnuujisaa 80 daqiiqo maalin kasta. Ilmaha waxaa siin kartaa oo kaliya caanaha naaska. Naas nuujintu waxay hor istaagi karaan oo kaliya uurka intaa anaad yeelan caado dhalmada ka dib. Naas nuujintu maahaa qaabka lagu kalsoon yahay oo uurka looga hortago. 
  • Inaan galmo laga samaynin gudaha ferjiga haweenka.

Qaabka dabiiciga waa in si sax ah loo isticmaala. Uurbaad qaadi kartaa haddii aad samayso khalad yar. Haddii aanad rabin caruur iminka, waxaa fiican in aad isticmaasho qaab kale. Waydii dhakhtar ama kaalkaalisada caafimaadka bulshada.

Uur baajinta rasmiga ah: dhafaan

Dhakhtar ayaa qaliin ku samaynaya ninka ama haweenayda. Haweenayda waxa laga goynayaa tuubada ugxansidaha, si aanay unugyada ugxantu mar dambe u soo gaadhin ilmogaleenka. Ninka waxa la goynayaa tuubooyinka unugyada taranka, taasoo keenaysa in ay ka yimaadaan biyo aan wadanin unugyada taranka. Ninku weli wuu samayn karaa galmo, laakiin ma uurayn karo haweenayda. Markaa ninka ama haweenayda midkoodna ma dhali karaan carruur. Rabitaanka galmadu isma badalayso.

Dhafaanku waa qaab badbaado ah oo la hubaal oo uurka loo baajiyo. Sidaa darteed waa in go'aanka si fiican looga fiirsaada. Dhafaanku waa ikhtiyaar wanaagsan haddii aanad raabin in aan dhib u (wax) caruur.

Masuuliyada labada lamaane

Labada lamaane waxa saaran masuuliyada isticmaalka uur baajiyaha. Kala hadal lamaanahaaga nooca uur baajiyaha aad rabto in aad isticmaasho.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo