Noloshu way isbadashaa

Inaad noqoto waalid noloshaada wax ayay ka badashaa wax badan.

waxaa laga yaabaa:

  • Inaad dareento masuuliyad wayni oo ilmhaaga ah, kaas oo kugu tiirsan adiga cunto ahaan, dareyeel iyo jacayl;
  • Dareen amaan la'aan iyo cabsi ku saabsan ilmaha dareenkiisa iyo rabitaankiisa. Waxaad ku baranaysaa kuwan aayar aayar;
  • Hurdo yaraan waayo haween kii baad soo kacdaa;
  • dhib ayaa lagala kulmaa naas-nuujinta (haween);
  • ka warwartaa mustaqbalka;
  • waxaad iska daynaysaa dabeecado hore iyo waxyaabo aad xiisayn jirtay;
  • waa inaad si taxatir leh u qorshaysaa hawlahaaga.

Noloshaada bulsho

Xidhiidhkaga bulshe waxaa laga yaaba in uu isbadalo. Tusaale ahaan, waxaa laga yaabaa:

  • waxaa loo baahan yahay in wakhti badan lala qaato ilmaha;
  • baro dadka cusub oo sidoo kale caruur leh;
  • guurid iyo yeelasho jaar cusub;
  • waa in aad qorshayso xili hore: xidhiidhka qaar waxaa u noqon kara mid aad u yar.

Labadaba hooyada iyo aabaha waxay la kulmaan isbadal.

Isbadalku waa caadi. Waxay qaadataa mudo in lala qabsadaayi.

Dareennada dhibka badan markaad ilmo dhalayso

Waxaad la kulmi doontaa xaalado adag dhalmada kadib. Waxaad ka heli kartaa caawimaad aad wax uga qaban karto xaaladahan xarunta caafimaadka dadweynaha iyo dhakhtarka qoyskaaga. Diyaargarow wanaagsan ayaa kuu sahli kara inaad la qabsato xaaladahaan.

Nolosha ilmo korintul waxay noqon kartaa mid adag. Waxaad noqon kartaa:

  • Mid daalan
  • Tamar yaraada
  • Niyad jabsan
  • Walaacsan
  • Xanaaqsan

Waa caadi in arimahaan kaa qabsasaan ilmo cusub. Isla mar ahaantaana, waa inaad hubisaa in shucuurtaan adag aanay saameyn ku reebin ilmaha. Mararka qaarkood, waxaad noqon kartaa mid aad u niyad jabsan ilaa aad u maareyso ilmahaaga si aan badbaado lahayn. Maareyn kasta oo qalafsan waxay u keeni kartaa ilmahaaga dhaawac jidheed iyo mid maskaxeed oo daran.

Ruxida ilmaha waxay sababi kartaa dhaawac abadiyan ah ama dhimasho. Ilmuhu waxay ku dhashaan madaxyo culus iyo muruqyada qoorta oo aad daciif u ah. Tani waa sababta uu ilmuhu aad ugu nugul yahay in la ruxo iyo gacan ka hadal kale loo gaysto.

Sannad kasta, dhallaanku waxay u dhintaan ruxid ama jirdil.

Haddii aad dareento inaadan xakameyn karin shucuurta dhibka badan, waxaa jira waxyaabo aad sameyn karto:

  • Waxaad jiifin kartaa meel badqab leh cunugaaga adoo nafis gaaban ka qaadanaaya.
  • Waxaad waydiisan kartaa lamaanahaaga, xubin qoyskaaga kamid ah, ama saaxiibkaa inuu ilaaliyo ilmaha in muddo ah, si aad u hesho xoogaa nasasho ah.
  • Waxaad kala hadli kartaa qof aad ku kalsoon tahay shucuurta adag.

Waxaad si xor ah ula hadli karta qof khibrad u leh caafimaadka. La hadal dhakhtarkaaga, kalkaalisada caafimaadka dadweynaha ama umulisada

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo