Qorshaynta qoyska iyo uurka: dhalmada

Dhalida ilmaha oo kasoo baxayaa gudaha ferjiga hooyada marka uu caalamka imanayo. Ilmaha kowaad, umushu waxay qaadataa inta u dhaxaysa 12 ilaa 18 saacadood. Dhalmada xigtaa caadiyan way gaaban tahay.

Kahor inta aanu ilmuhu dhalan, hooyadu waxay yeelanaysaa naburka foosha: Murqaha makaanka ayaa isku uruura oo yaraanaya. Ilmaha waxay usoo riixaan hoos. Naburka foosha mar kasta uu xanuun badan yahay.

Naburka foosha (foosha)

Naburka fooshu waxa uu aayar furaa afka ilmo galeenka iyo tuunbada afka ilmo galeenka (afka makaanka). Marka uu si wanaagsan u furmo afka ilmo galeenku, ilmuhu waxa uu usoo baxaa caalamka.

Waxaa jira dhawr shay oo macquul ah oo xanuunka hooyada lagaga baabi'in karo wakhtiga dhalmada:

  • soc socod
  • qaab neefsi kaas oo aad ku baratay duruustii u diyaar garawga dhalmada ama meelo kale aad ka baratay
  • isku day siyaabo kala gedisan
  • inaad u maydhato si aad u degto
  • inaad isticmaasho aaladaha sida kulayliyaha ama kubada dhalmada
  • inaad dalbato suuxdin haddii aad ilmahaaga ku dhalayso isbitaalka. Waxaa jira oo lagugu mudayaa dhabarka qaybta hoose, taas oo xanuunka yaraynaysa. Waxaad lagu mudi karaa adiga oo fadhiya ama jiifa.
Haweeneyda oo yeelata fool
Haweeneyda uur leh oo taagan. Diirada waxaa la saarayaa xubnaha taranka ee gudaha ku jira iyadoo uu ilmuhuna uu ku jiro makaanka.
Afka ilmagaleenka, afka makaanka, ayaa furma mar kasta oo uu naburuku qabto.
Afka ilmagaleenka ayaa balaadhanaya.
Afka ilmagaleenka si wanaagsan ayuu u balaadhay oo wuu ku filan yahay inuu ilmuhu soo maro.
Dhakhtarka oo siinayo sxuuxsinta (deegaanka): waxaa la mudayaa dhabarka qaybta hoose si loo yareeyo xanuunka naburka foosha.

Qaabka loo fadhiisanayo wakhtiga dhalmada

Waxaad dooran kartaa qaabka aad u fadhiisanayso wakhtiga dhalmada, tusaale ahaan

  • inaad dhinac u jiibsato ama dhabarka u jiibsato,
  • kambadhuudhsato,
  • jilba joogsato,
  • aad istaago adiga oo wax haysta.

Waxaad badali kartaa qaabta aad u taagan tahay inta aad dhalayso kolba sida aad u doonto. Dhakhtarka ama umulisada ayaa kaa waraysan doona qaabka aad doonayso inaad u umusho. Dhakhtarada iyo umulisooyinka ayaa kula joogi doona oo qaab aad u joogto kugu daryeeli doona.

Haweeneydu waxay umulaysaa ilmaheeda.
Haweeneydu waxay umulaysaa ilmaheeda.
Haweeneydu waxay umulaysaa ilmaheeda.

Ku dhalista isbitaalka

Haddii aad ku dhalayso isbitaal, waxaa kusoo dhawayn doona umulisada.

Umulisadu waxay

  • eegi doontaa naburkaaga foosha iyo garaaca wadnaha ilmaha iyada oo isticmaalaysa shaashada,
  • waxay kaa qaadin doontaa shaybaadh iyada oo maraysa gudaha ferjiga,
  • waxay ka jawaabi doontaa dhamaan su'aalaha aad qabto inta aad foolanayso.

Dhakhtarka ayaa loo sheegi doonaa qaabka aad u dhalayso.

Marka aad umulayso lamaanahaaga ama cid kale oo aad doorato ayaa kula joogi kara.

Mararka qaar waxaa daruuri noqon kara in dhakhtarka ama umulisadu inay wax yar dilaaciso jidhka u dhaxeeya gudaha ferjiga iyo daba (perineum). Mararka qaar jidhkaas isaga ayaa iska dilaaca.

Ilmuhu waxa uu kasoo baxayaa gudaha ferjiga. Xudunta ayaa laga jarayaa.

10 ilaa 30 daqiiqo kadib dhalmada madheertu waxay kasoo baxdaa jidhka.

Aabaha oo jaraya xudunta ilmaha
Madheertii oo kasoo baxaysa jidhka haweeneyda, 10 ilaa 30 daqiiqo kadib umusha.

Guriga ku umulida

Haddii aad doonayso inaad guriga ku umusho, kala hadal dhakhtarkaaga iyo kaaliyahaaga caafimaadka taas. Haddii aad leedahay uur caadi ah oo bilaa khataro ah, waxaad ku umuli kartaa guriga. Umuliso waa inay kula joogtaa oo ay guriga kugu daryeeshaa inta aan umulayso. Waxaad heshaa umuliso wakhti hore inta aad uurka leedahay. Markaa waxaad u wada diyaar garoobi kartaa dhalmada idinka oo wada jir ah.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo