Ka dhalashada gudaha ferjiga

Ka dhalida gudaha ferjiga ilmuhu waxa uu kasoo baxayaa xubinta taranka hooyada marka uu caalamka imanayo. Badanaa caruurtu waxay ku dhashaan sidaa.

Qaliinka dhalmada (ku dhalid qaliin)

Ku dhalida qaliinka waxaa sidoo kale loo yaqaanaa qaliinka dhalmada ama c-section. Tan, haweeneyda waxaa loo siiyaa suuxdin, si ayna wax xanuun ah u dareemin. Dhakhtarku waxa uu ka jeexaa wax inyar ka sareeya timaha hoose caloosha haweeneyda. Kadibna ilmaha waxaa laga soo saaraa dilaacaas.

Sababaha keena qaliinka dhalmada

Waxaa jiraa sababo caam ah oo keena qaliinka dhalmada:

  • Madaxa ilmaha ayaa aad u wayn oo aan miskaga hooyada kasoo bixi karin.
  • Madheerta ayaa hor taala afka makaanka (afka ilmo galeenka) ama madheerto wakhti hore ka go'da.
  • Qayb kamid ah xadhiga xudunta ayaa jaray afka makaanka waxaanay soo gaadhay ilaa gudaha ferjiga. Tani waxa ay keeni kartaa in ilmuhu cabudho.
  • Haddii ilmaha aanu madixiisu soo foorarin.
  • Ay jiraan wax ka badan hal ilmo.
  • Ay hooyadu qabto HIV.
  • Hooyada ilmuhu ay qabto xanuuno kale, taas oo adkaysa dhalmada caadiga ah.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo