Jidhka

Inta aad uurka leedahay jidhkaagu aad ayuu isku badalaa. Waxaad isku arki doontaa isbadalada soo socda:

  • Ma yeelanaysid caadada.
  • Miisaankaaga ayaa kordhaya.

Waxaad yeelan doontaa mid ama wax ka badan raaxo darada soo socda, taas oo iska caadi ah:

  • yalaalugo;
  • daal;
  • casiraad (ayna hadana waxba kaasoo baxaynin);
  • naasaha oo barara oo ku xanuuna;
  • inaad suuli si dhakhso dhakhso ah u gasho;
  • ciridka oo caabuq yeesha.

 Inta danbe ee uurkaaga, waxaad yeelan kartaa raaxo daro kale: 

  • raad in calooshaadu kala baxday ah; 
  • lugaha iyo cagaha oo ku xanuuna/barara; 
  • dhabar xanuun.

Dareenka

Dareenkaaga iyo jawigaaga si dhakhso ah ayuu isku badali karaa. Tusaale ahaan, waxaa dhici kartaa inaad mar faraxsanaato oo aad hadana murugo dareento ama warwar marka xiga. 

Yalaalugo

  • Waxaad cuntaa qureec fudud;
  • Cunto inta aan kala qaybiso kolba qayb yar cun maalintii;
  • Cab biyo wanaagsan maalintii;
  • U tag dhakhtarka haddii aad maalintii wax ka badan 3 jeer hunqaacdo.

Waxaa sidoo kale wax kuu tari kara:

  • Wax yar cun kahor inta aanad sariirta kasoo kicin iyo marka aad sii seexanayso; 
  • Cab caano ama shaax sinjibiil leh.

Daal

  • In badan naso;
  • U tag dhakhtarka haddii ay bir badani ku jirto dhiigaaga.

Calool xanuun

  • Cab biyo badan;
  • Cun cunto ay faabrik badani la socdaan, sida midho isku dhan, khudaarka cagaaran iyo khudaarta bisil;
  • Firfircoonaw.

Ciridka caabuq qaaday

  • Ilkahaaga caday maalintii 2 jeer;
  • Ilkaha maalin kasta findhicilo;
  • U tag dhakhtarka ilkaha haddii caabuqa aad weli sii yeelato. 

Calaamadaha kala baxa

Haddii ay ku dhibayaan calaamadaha kala baxa ee uurku, waxaa kuu toosin kara adiga oo caloosha ku duugaya kiriim ama saliid. 

Lugo iyo cago xanuunaya/bararay

Lugaha ha foorarinin marka aad fadhido.

Dhabar xanuun

  • Si wanaagsan u fadhiiso si aad tiirsimaad ugu hesho dhabarkaaga qaybta hoose;
  • Lugahaaga laab marka aad wax culus qaadayso;
  • Ha xidhanin kabo dhaadheer;
  • Samee jimicsi fudud, tusaale ahaan: socod, dabaal ama baaskiil kaxayn.

Marka la dhalo kadib

Kadib marka la dhalo, jidhkaagu waxa laga yaabaa inuu waxoogaa sii ahaado si ka gedisan sidii uu uurka kahor ahaan jiray. Tusaale ahaan: miisaan ka gedisan, isbadal qaabka jidhka iyo naasadaha. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo