Dhicinta uurka waa in la waayo uurka inta uurka la leeyahay ee hore, kaas oo ilmuhu kasoo qubto makaanka hooyada kahor isaga oo aan gaadhin wakhtigii sida wanaagsan uu u korayay ee uu banaanka ugu noolaanayay. 3 uurba 1 ayaa soo qubta. 

Calaamadaha in ilmuhu qubanayo

Calaamadaha qubashada hore waxay lamid yihiin sida cadaada oo qofka si xoogan kaga timaada:

  • waxa uu dhiigu kaasoo baxayaa gudaha ferjiga;
  • caloosha ayaa ku xanuuni doonta.

Haddii calaamadan aad yeelato, la xidhiidh umulisada ama dhakhtarkaaga. 

Calaamadaha dhicinta wakhti hore: dhiig badan oo kasoo baxa gudaha ferjiga.
Calaamadaha dhicinta wakhti hore: calool xanuun ama xaluska oo qofka xanuuna.
U tag dhakhtar ama umuliso haddii aad isku aragto calaamadahan.

Sababta ilmuhu u qubanayo

Waxaa jira sababo badan oo keeni kara qubashada ilmaha. Waxaa badanaa asiiba ilmaha in waxyeelo soo gaadho oo aanu kori karin. Waxay sidoo kale ka timaadaa, tusaale ahaan, caabuq, khalkhal dhinaca hormoonka ah ama in si xun uu makaanka u galo. Badanaa lama garanayo waxa keena in ilmuhu qubto. Badanaa uurka soo qubtaa wax saamayn ah kuma laha uurka danbe ee la qaadayo.

Uurka qubtaa maaha khalad ay hooyadu gashay. Hawlaha la qabnaayo ee caadiga ah, sida socodka ama baaskiilka, weligood ma keenaan uurku inuu qubto.

Galmada la samaynayo inta uurka la leeyahay waxyeelo ma laha iyada oo dhakhtarku ku taliyo inaanad galmo samaynin moojee.

Murugo

Haweeneyda uurka leh iyo lamaanaheedu waxaa dhici karta inay aad ula qabsadaan ilmaha aan dhalan. Marka ilmuhu dhinto, waxa uu keeni karaa murugo aad u wayn.

Labada lamaane mid kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu murugoodo. Waa inay u samraan waxa ay waayeen oo yeeshaan dulqaad keeda.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo