Haddii ay caadadu kaa raagto, waxaa dhici karta inaad uur leedahay. Waxaad samayn kartaa shaybaadh uur si aad u eegto inaad uur leedahay. Norway, tani badanaa waa shaybaadhka kaadida. 

Shaybaadhka kaadida

Waxaad ka iibsan kartaa bahalka lagu baadho uurka subermaarketka ama farmasiga. Shaybaadhka noocan ah ee uurku waa kaadi. Shaybaadhka waxa la xaqiiqsadaa marka sadex todobaad kadib la baadho maadaama oo ay macquul tahay inaanu uurku samaysmin. 

Usamee shaybaadhka sida soo socota:

  • Geli aalada baadhida waxoogaa kamid ah kaadidaada.
  • Waxaad u dhigtaa baadhaha janjeedh. 
  • Sug ilaa 5 daqiiqo si aad u aragto natiijada shaybaadhka.

Haddii shaybaadhku uu noqdo boosatif, waxaad haysataa laba ikhtiyaar:

  • Waxaad sii wadan kartaa uurka: La xidhiidh xirfadlahaaga caafimaad guud ama umulisadaada. Waxay kula socon doontaa inta aad uurka leedahay
  • Waxaad uur lahaanshahaaga meesha kaga saari kartaa adiga oo iska soo xaadhaya: Isbitaalka la xidhiidh si aad balan u qabsato. Looma baahna in xirfadle guud uu kusoo gudbiyo. 
Haweeneydu inta ay suuliga ku fadhiisato ayay gacmaheeda mid kamid ah lugaheeda dhax galinaysaa. Waxa diirada la saarayaa gacanta labada lugood ay dhax galisay.
Waxaad si toos ah ugu kaaji kartaa caarada baadhaha uurka.
Ama waxaad dhax gelin kartaa kaadi ku jirta weel nadiif ah oo aad ku kaadiday.
Waxaad u dhigtaa baadhaha janjeedh.
Sug ilaa 5 daqiiqo si aad u aragto natiijada shaybaadhka. Waxaa kaliya uur leedahay haddii calaamadu kasoo baxdo labada daaqadood ee shaybaadhka.

Calaamada uurka

Haween qaar ayaa isku arki doona calaamadaha kowaad ee uurka inta hore ee uurka

Haddii ay dhacdo xaalad gurmad degdeg ahi: Qaado aashatada folic

Haddii aad qorshaynayso inaad uur qaado, waa inaad qaadataa fiitaamiinka aashatada folic. Waxaad ka dalban kartaa farmasiga. 
Waxaad sidoo kale qaadan kartaa aashatada folic haddii aanad isticmaalaynin uur baajiye la isku lahayn karo, xataa haddii aanad qorshaynaynin inaad uur qaado. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo