Rimis badan

Haweenka aad ayay u rimaan marka ay yar yihiin taas oo ah marka ay markii ugu horeysay ay ugxaantoodu soo baxaan (wareega kowaad). Ugxaan soo bixideeda ugu horeysa, haweenka aad ayay u rimid karaan ilaa 6 maalmood bishii

Marka ay haweeneydu galmo samayso marka ugu horeeya waxay qaadi kartaa uur.

Khatar badan oo hooyada iyo ilmaha ah

Haddii ay haweeneydu uur qaado oo ay da'deeduna ka yar tahay 20 sano jir, waxa ay ku jirtaa khatar badan oo waxaa ku adkaan kara dhalmada.

Ilmaha ayaa khatar ku jiri kara:

  • Dhicinta ilmaha;
  • Miisaan yar marka uu ilmuhu dhasho (khatar sare oo xanuun).

Isbadal nolosha ah marka ay ilmaha dhalayso

Haddii aad weli yar tahay oo aad ka fikirayso inaad ilmo dhasho, waxaad la socotaa:

  • Inaanad wakhti badan tagi doonin waxbarashada, shaqada iyo waxa aad jeceshahay;
  • Inaad ilmo dhashaa waa mid aad u qaali ah.
  • Xidhiidhka aad la leedahay waalidkaa, lamaanahagaa iyo asxaabtaa way is badali doonaan. Ilmahaaga ayaa mudnaanta kowaad leh.
  • Waxaa dhici karta in aad u baahato inaad meelo kale oo aad degto aad doonato.

Ka hortaga uurka

Adiga iyo lamaahanaaga ayaa go'aansan kare inta caruur ee aad rabtaan iyo wakhtiga. Tani waxaa loo yaqaanaa qorshaynta qoyska. Waxaad samayn kartaa inaad isticmaasho uur baajiyaha

Uurka aan loo qabsitiyin

Haddii aad uur qaado laakiin aanad qorshaysan, waxaad leedahay ikhtiyaaro kala duwan. Waxaad ka dalban kartaa waalidkaa, qoyskaaga iyo asxaabtaa inay kaa caawiyaan. Haka xishoonin. Cid kasta ayay ku dhici kartaa taasi. Waxaad sidoo kale ka dalban kartaa xirfadle kaalmo iyo talo.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo