Dadka lamaanaha ku ah xidhiidhku maaha 2 ruux oo lasoo kala jeexay. Isku mid maaha, laakiin waxay leeyihiin xuquuq isku mid ah. Tani waxay ka dhigan tahay xuduuda iyo ikhtiyaarka lamaanaha waa in laqadariyaa.

xidhiidhka farxad kama dhalato marka xuduuda mid kamid ah lagu xad gudbo. 

Sinaantu waxay dadka ka caawisaa in lamaane kastaa dareemo wanaagsan naftiisa ah. Ma doonaan:

  • in awooda ka gacan saraysa la yeesho (uma arkaan inay ka qiimo yar yihiin qofka kale) ama;
  • inay u baahdaan ogolaanshaha ama fikirka qofka kale oo wax kasto ah (uma arkay inay ka qiimo yar yihiin qof kale).

Lamaanaha simani waxay wax kasta u sameeyaan qaab masuuliyad ku dheehan tahay oo xidhiidhkooda ah. Tusaale ahaan: waxay wada go'aansadaan haddii ay doonayaan inay caruur dhalaan iyo haddii kale (qorshaynta qoyska), haddii iyo nooca dhamo baajiyaha ay doonayaan inay isticmaalaan. 

Mararka qaar sinaan la'aantu waxay horseedi kartaa tacadi lamaanaha ah ama tacadi galmada ah oo qaab dagaal ah. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo