Guurku waa xidhiidhka ramsiga ah ee 2 lamaane u dhaxeeya. Si loogu aqoonsado sharci, guurku waa inuu buuxiyaa shuruudo gaar ah.

Dadka qaar waxay isku guursadaan jacayl. Dad kalena waxay isku guursadaan nidaam ahaan ama adduun, tusaale ahaan, dhaqaale, awood, meeqaam, inay caruur dhalaan. Guurku waxa uu noqon karaa mid la isasiiyo labada qof, ama waxa uu dhacaa marka labada qof is doortaan. 

Guurku waxa uu ku taxaluuqaa in laba lamaaneba marka ay isla af gartaan.

Guurka la isasiiyay

Guurka labada qof la isasiiyo, waalidka ama xubnaha kale ee qoyska ayaa u doorta qofka caruurtooda ama dhalinyartooda loo guurinayo. Raga iyo haweenkalabada waa loo guuriyaa. 

Badanaa dhalinyarta ayaa go'aansada haddii ay doonayaan inay is guursadaan iyo haddii kale, laakiin mar kasta taasi ma dhacdo. Sida uu dhigayo sharciga Yurub laguuma guurin karo qof aanad doonaynin inaad guursato. Guurka khasabka ah sharcigu wuu mamnuucay. Qof kastaa waxa uu xaq u leeyahay inuu doorto lamaanihiisa. Haddii aanad doonaynin inaad guursato lamaanaha laguu dooray, kala hadal qof aad ku kalsoon tahay, ama dalbo kaalmo xirfadle.

Guurka lamaanaha isku jinsiga ah

Norway iyo dalal badan oo Yurub ah, dadka isku jinsiga ah way isku guursan karaan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo