Yay tahay inay galmo samayso da'dee ayaana laga bilaabaa?

Si loo ilaaliyo caruurta iyo dadka dhalinyarta ah, waxaa jira shuruuc gaar ah oo dhigaya da'da uu qofka dhalinyarta ahi sharciyan galmo ku samayn karo. 

Waxaa jira 4 heer oo kala duwan oo da'daha ogolaanshaha ah:

  • caruurta kayar 14 jir
  • dhalinyarta da'doodu u dhaxayso 14 ilaa 16
  • dhalinyarta da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 18
  • dadka waawayn ee ah 18 ama kawayn

Caruurta kayar 14

Norway, galmada lala sameeyo caruurta kayar 14 jirka waxaa loo yaqaan kufsi. Dadka waawayn ee caruurta u galmooda, ama u horseeda inay sameeyaan ficil galmo naftooda ah ama dadka kale ah, waxaa lagu ciqaabaa xabsi. Taasi waxaa sidoo kale loo tiriyaa dhalinyarta ka yar 18 jirka.

Haddii laba caruurta ah ay iyagu isku galmoodaan, lama ciqaabayo. Caruur kayar 15 jirka weli may gaadhin wakhtigii fal danbi masuuliyadeeda ay qaadi lahaayeen, sida uu dhigayo sharciga Norway.

Dhalinyarta da'doodu u dhaxayso 14 ilaa 16

Waa sharci daro inay dadka waawayn galmo la sameeyo caruurta kayar 16 jirka. Dadka waawayn ee caruurta u galmooda da'doodu u dhaxayso 14 ilaa 16, ama u horseeda inay sameeyaan ficil galmo naftooda ah ama dadka kale ah, waxaa lagu ciqaabaa xabsi. Waxaa sidoo kale jira dhalinyarta ka hooseysa 18 jirka, laakiin ciqaabta waa laga tanaasuli karaa haddii labadoodu ay isku da' yihiin iyo/ama isku garaad yihiin. 

Haddii laba dhalinyaro ah oo ka yar 16 jir ay iskood u yeeshaan xidhiidh galmo, la ciqaabi maayo.

Dhalinyarta da'doodu u dhaxayso 16 ilaa 18

Laga bilaabo da'da 16, dadka dhalinyarta ah waxaa loo ogol yahay inay naftooda u go'aamiyaan haddii ay doonayaa inay ikhtiyaarkooda ku sameeyaan galmo, cida ay la samaynayaan iyo goorta. Looma ogola inay galmo la sameeyaan caruurta yaryar.

Waa sharci daro in dadka waawayn ay galmo la sameeyaan dhalinyarta ka yar 18 jirka, haddii ay u yihiin adeer, ama aayo, waalidka koriya ama si kale ay uga masuul yihiin daryeelkooda.  

Dadka waawayn ee ah 18 ama kawayn

Dadka 18 jirka ah ama kawayn waxaa loo arkaa inay yihiin dad waawayn Norway. Markaa waxay samayn kartaan galmo ay la sameeyaan dadka waawayn ee kale haddii ay labaduba ogol yihiin. Laakiin, galmada laba qof ee waawayn ee walaalaha ah iyo galmada waalidka iyo caruurtooda waawayn waa mamnuuc.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo