Dadka jinsiga badalay waa dad u muuqda ama leh aqoonsi jinsi oo ka duwan jinsigii ay ku dhasheen.

Daawaynta badalka jinsiga

Dad qaar inaga mid ah waxay dareemaan mushkilado maskaxeed iyo jidheed maadaama jinsiga aanu ku dhalanay aanu lamid ahayn aqoonsiga jinsigooda iyo bandhiga jinsiga ay doonaan. Maadaama oo ay sidaa tahay, dadka qaar ayaa doona inay galaan daawayn jinsiga lagu badalayo sida daawaynta hormoonada iyo/ama qaliin si jidhka looga dhigo jinsiga qofka uu doonayo. Daawayntani waxay kamid tahay daryeelka caafimaadka ee Norway.

Xuquuqda doorashada bandhiga jinsiga iyo jinsiga sharciga ah

Norway, waxaad xaq u leedhay inaad doorato bandhiga jinsiga aad doonayso. Haddii aad ka wayn tahay 16 jir, waxaad sidoo kale leedahay xuquuqda ah inaad badasho magaca iyo sharciga jinsiga. Shuruud kale ayay leeyihiin dadka kayar 16 jirku.

Takoor la'aan

Norway, qof kasta wuxuu leeyahay xuquuq isku mid ah waxaana ku waajiba isla sharci iyada oo aan loo eegeynin jinsigiisa.

Norway, waa ka mamnuuc in qof loola dhaqmo si aan sinaan ahayn ama lagu takooro qofka jinsigiisa darteed. Tani waxay ka dhigan tahay waxaad haysataan fursad isku mid ah nolosha xirfadeed iyo nolosha shakhsi ahaaneed. Tani waxaa waajibinaya Sharciga Sinaanta iyo Bilaa Takoorka

Haddii aad dareento takoor waxaad heli kartaa talo iyo tilmaamo ay kusiiyaan U Hogaansanka Sinaanta iyo Takoor La'aanta.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo