Yaa ku guursan kara Norway gudaheeda?

Norway, waxaad xor u tahay inad doorato haddii aad doonayso inaad guursamaysato ama haddii kale oo aanad doonaynin inaad guursato, iyo cida aad doonaysi inaad guursato iyo goorta aad doonayso inaad guursato. Waxaad sidoo kale guursan kartaa qof aad isku jinsi tihiin, waxaanad markaa yeelan doontaa xuquuq lamid ah lamaanaha ninka iyo naagta ah ee is qaba oo kale. 

Waa inaad noqotaa ugu yaraan 18 jir marka aad guursanayso. Haddii aad tahay 18 jir ama aad ka wayn tahay, waxaad guursan kartaa iyada oo aanad u baahan ogolaanshaha waalidka.

Shuruudaha kale ee guurka ee Norway

Si ay isku guursadaan, lamaanuhu waa inay la kulmaan qofka haysta shahaadada ramsiga ah ee guurka. Tani waxay noqon kartaa tusaale ahaan, sarkaal dawladeed, iimaan, sheekh kiristaan ama sarkaal kale oo ka duwaan gashan bulshooyinka diinta ama bulshada.

Haddii qofka dadka isku guurinayaa aanu haysan liisanka rasmiga ah ee isku guurinta, lamaanuhu markaa si rasmi ah iskumay guursan xataa haddii guurkaasi uu u dhacay oo uu waafaqsan yahay diinta. 

Websaytka Maamulka Cashuuraadka Norway waxaad wax ka akhrinaysaa macluumaadka guurka Norway. 

Waxa la filanayo

Guurku macquul maaha haddii:

  • adiga ama lamaanahaagu hore ayay qof kale isku qabaan - Norway waxaa laguu ogol yahay inaad kaliya qof kaliya guursato; 
  • adiga ama lamaanahaaga ayaa lagu khasbay guurka;
  • adiga iyo lamaanahaaga waxaad tihiin qaraabo isku dhaw. Tusaale ahaan guurka u dhaxeeya qaraabada isku dhawr waa walaalo is guursanaya, waalid caruurtooda guursanaya ama ayay iyo ayay guursanaya caruurta ay caruurtoodu dhaleen.

Guurka dalba dibadiisa ayaa laga duwaan geliyay waanu sharci kaas oo caadiyan sharci ka noqda Norway. Laakiin, guurka lagama aqoonsanayo Norway haddii uu si cad uga hor imanayo sharciga Norway. Tusaale ahaan, haddii mid kamid ah lamaanuhu uu aad u yar yahay marka uu guursanayo. Haddii mid kamid ah lamaanuhu ay leeyihiin xidhiidh adag oo Norway ah kahor inta aanu guursan, guurka lagama aqoonsanayo Norway haddii lamaanaha uu mid kayar yahay 18 jir, aanu joogin wakhtiga guurka, ama uu hore xaas u leeyahay. 

Guurka iyo midaynta qoyska

Haddii adiga iyo lamaanahaagu aad isku guursateen si aad kaliya ugu timaadaan Norway, guurka markaa xaq uguma yeelanaysid in idinka oo qoyska ah aad midowdaan. 

Xuquuqdaha iyo masuuliyadaha cusub

Marka aad guursato, labada lamaane waxay yeelan doonaa xuquuq iyo masuuliyad cusub. Tusaale ahaan:

  • Guurka, labadada lamaane waxaa ku waajib ah in midba mid kale taageero oo midba midka kale daryeelo.
  • Haddii uu dhinto lamaanahaagu, waxaad xaq u leedahay inaad qaadato lacagta iyo/ama hantidii lamaanahaaga. Haddii uu lamaanahaagu dhintay oo aad wax su'aal ah ka qabto dhaxalka, waxaad la xidhiidhi kartaa maxkamada degmadaada si aad u hesho caawimo. 
  • Haddii lamaanaha aad is qabtaan uu degan yahay dalka dibadiisa, isaga/iyagu waxay xaq u leedahay inay timaado Norway oo aad halkan kugula noolaato. Tani kaliya waxay shaqaynaysaa haddii adiga laguu ogol yahay inaad Norway si rasmi ah ugu noolaato oo aad haysato lacag kugu filan si aad naftaada iyo lamaanahaaga ugu filnaan karto. Lamaanaha aad is qabtaan waxa uu markaa heli doonaa ogolaanshaha deganaanshaha rasmiga ah ee Norway waxaanu markaa awoodi doonaa inuu Norway ka shaqeeyo. 

Xataa guurka kadib, dhakhtarka looma ogola inuu macluumaadkaaga shakhsi ahaaneed la socodsiiyo lamaanaha aad is qabtaan adiga iyo xaaladaada caafimaad ku saabsan haddii aanad ogolaanin.

Kaliya lamaanaha ayaa go'aansanaya

Mararka qaar dad kale ayaa kuu doora cida aad guursanayso. Taasi maaha dhaqanka ka jira Norway. Laakiin, sharcigu ma mamnuuco inaad labada lamaane haddii ay doonayaan inay is guursadaan ay guurkooda iskasii wataan.

Guurka kahor imanaya rabitaankaaga ama rabitaanka lamaanahaaga waa mamnuuc Norway gudaheeda. Haddii la isku dayo in dadka lagu khasbo guurku waa mamnuuc. Adiga iyo lamaanahaaga looma ogola in la geeyo dal kale si u loogu khasbo inuu dalkaa cid loogu soo guuriyo. Haddii lagugu khasbo guur ama hore laguugu khasbay, waxaad macquul ah inaad la xidhiidho qof ku dhagaysan kara oo talo iyo caawimo kusiin kara

Dadka dad kale guurka ku khasba waa la ciqaabaa. Haddii aad hore ula nooshahay cidaa lagugu khasbay ee aad guursaday markaad Norway timid, adiga iyo lamaanahaaga lama ciqaabi doono oo guurkiinu waxa uu noqon doonaa sharci. Laakiin, adiga iyo/ama lamaanahaaga ayaa guurkaas ku kala tegi kara.

Waxaad macluumaad dheeraad ah ka ogaan kartaa waxa aad samayn karto haddii guur lagugu khasbay adiga oo aan doonaynin adigaoo booqanaya websaytka Hagaha Agaasinka Norway ee Amuuraha Caruurta, Dhalinytarta iyo Qoyska. Waxaad sidoo kale macluumaad badan ka ogaan kartaa sida aad guurkaas kusoo afmeeri lahayd. 

Inaad qof la noolaato idinka oo aynaad is guursan

Xidhiidhka guurka kahor iyo gogol dhaafka lamaanaha kale lala yeesho adiga oo guur leh mamnuuc kama aha Norway oo qofka ciqaab sharci kuma muto taas.

Mararka qaar, habdhaqankaas qoyska dhaxdiisa lagama ogola oo xubno kamid ah qoyska waxay doonaan inay qofka ciqaabaan inta ay u gacan qaadaan ama xataa way khaarajiyaan ninka ama haweeneyda dhalintarta ah ee taas la timaada. Haddii aad aaminsan tahay inaad ku jirto xaalad khatar ah oo sidan oo kale ah, toos ugu tag bilayska ama la xidhiidh qof kaa caawin kara.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo