Korinta ilmuhu waa nidaamka aad ugu noqonayso waalidka sharciga ah ilmaha aanad dhalin. Waalidka ilmaha koriyaa waxay markaa noqdaan waalidka sharciga ah ee ilmaha. Marka aad ilmo koriso, isaga/iyagu wixii intaa ka danbeeya wax xidhiidh sharci ah oo qoyskii (dhalay) ay la leedahay ma jirto.

Norway waxaad korin kartaa ilmo

  • kaas oo aanad garanaynin
  • kaas oo aad garanayso
  • kaas oo dal kale ka yimid.

Waxaad sidoo kale korin kartaa ilmaha xaaskaaga ama qofka aad la nooshahay

Shuruudaha korinta ee Norway

Si ilmaha ay cid u korsato Norway gudaheeda, waalidka ay saaran tahay masuuliyada waalidnimo waa inay ogolaadaan. Caruurta ka yar 12 sano jirku waa inay naftooda u ogolaadaan korinta.

Marka aad ilmo korsanayso, waa la ogol yahay. Tani waxay ka dhigan tahay inaanad ilmaha dib ugu celin karin haddii aad kala kulanto mushkilad ama haddii ilmuhu uu ka gedisnaado wixii aad ka filanaysay.

Korsashada ilmaha

Sharciga dhex dhexaadinta korsashada ilmaha ee Norway

Norway, korsashada ilmaha waxaa kaliya dhex dhexaadin kara Maamulka Korsashada caruurta iyo hay'ado yar. Sadex hay'adood ee la ansixiyay ee korsashada caruurtu waa Adopsjonsforum, Verdens Barn iyo InorAdopt.

Yaa korsan kara ilmo?

Lamaanaha is qaba, dadka wada nool iyo dadka aan lamaane lahayn ayaa korsan kara ilmo. Norway, lamaanaha isku jinsiga ah ayaa korsan kara ilmo. 

Sharciga guud waxa uu dhigayaa, waa in lamaanuhu ilmaha wadajir u korsanayaan. Tani waxay ka dhigan tahay in labada lamaane ay tahay inay doonaan inay la wada wareegaan masuuliyada ilmaha. 

Waxaa korsan kartaa ilmo xataa haddii aad caruur kale leedahay. 

In ilmaha loo doon doono cid korsata

Waa inaad ogolaataa

Ilmuhu waa inuu laba bilood ka waynaadaa marka lala doon doonayo in korsata. Waalidka ka masuulka ah ilmuhu waa inay bixiyaan ogolaanshahooda in ilmaha la korsado. Haddii aad doonaysi inaad ilmo u doon doonto cid korsata, waa inaad la xidhiidhaa Maamulka Korsashada ilmaha xataa kahor inta aanad dhalin si aad macluumaad uga hesho nooca kaalmada ah ee aad heli karto. 

Waxaad wayday xuquuqdaadii

Korsashada ilmaha waa la ogol yahay lagamana noqon karo. Haddii ilmaha cid korsanayso, sharciga wax xidhiidh ah oo intaa wixii ka danbeeya idinka dhaxeeyaa majiro. Wixii intaa ka danbeeya masuuliyadii waalidnimadu kuma saarna oo xaq uma lixid oo wixii intaa ka danbeeya xaq uma lihid inaad ilmaha aragto ama aad ilaaliso.

Waxaad ogaan kartaa nolosha ilmahaaga iyo cida korsanaysa. Waalidka korsanaya waxaa ku waajib ah ilmaha inay u sheegaan inay korsadeen. 

Kadib marka uu ilmuhu gaadho 18 jir, waxa uu xaq u leeyahay inay u sheegaan Maamulka Korsashadu cida dhashay. Maamulka Korsashada ilmaha waxay u diri doonaan ilmaha warqad ay kula socodsiinayaan xuduuqdan. 

Xuquuqda macluumaadka

Haddii aad doonayso inaad koriso ilmo ku dhashay Norway ama dibada waxaad ka heli kartaa macluumaadka Maamulka Korinta ee deegaanka aad degan tahay. 

Maamulka Deegaanka waxay samayn doonaan hawsha ay ugu diyaarinayaan korsashada, waxaa waajib ah in la qiimeeyo dadka dalbanaya inay ilmaha korsadaan, oo waxay ansixinayaan waalidka doonaya inay korsadaan. 

In caruur dalba diabadiisa ah la korsado

Norway iyo 60 dal oo kale waxay leeyihiin shuruud gaar ah oo ilaalisa caruura taas oo ay u meel yaalaan korsashada ilmaha ee caalamiga ah. Caruurta laga keeno dalka dibadiisa kaliya waxa lagu korsan karaan Norway haddii ayna macquul ahayn in dalka ay ka yimaadeen ay ku helaan cid ku korsata.

Caruurta kayar 18 jirka ee cid Norway joogtaa ay korsanayso waa inay si toos ah u helaan dhalashada Norway marka la dhameeyo nidaamka korsashada haddii mid ama labada waalid ee korsanayaa ay haystaan dhalashada Norway.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo