Norway, dhamaad haweenku waxay xaq u leeyihiin inay go'aansadaan haddii ay doonayaan inay iska soo xaadhaan ilmaha ilaa todobaad 12 ee uurka (10 todobaad kadib marka uu qofku rimo). Maaha khasab inaad sheegto sababta aad u doonayso inaad iskaga soo xaadho uurka.

Haddii aad ka yar tahay 16, waalidka waxay badanaa xaq u leeyihiin inay arrinka ka hadlaan. Badanaa, dhakhtarka ayaa go'aamin kara in aan loo sheegin waalid ama koriyaha sharciga, iyo sidoo kale inaan loo ogolaan inay ka hadlaan. 

Waxaa jira laba qaab oo ilmaha la iskaga xaadho, uurka iska soo xaadhiga dawooyinka iyo uur iska soo xaadhida qaliinka. Qaabka aad dooranayso, waxay ku xidhan yahay mudada aad uurka leedahay. 

Waxaad weli uur kale qaadi kartaa markaad ilmo iska soo xaadhay kadib. 

Qofka kuguma khasabi karo inaad uurka iskasoo xaadho haddii aanad doonaynin. Sidoo kale cidna kuma khasbi karto haweeney inay qaado uur ayna dooynin. 

Sidee ayaan uurka iskaga soo xaadhi karaa?

Waxaad la xidhiidhi kartaa isbitaalka si toos ah si aad balan u qabsato. Norway, adiga ayaa go'aansanaya isbitaalka aad doonayso inaad la xidhiidho. Maaha daruuri in laguu gudbiyo ama inaad la hadashid dhakhtar ama xirfadle caafimaad oo kale kahor inta aad balanta aanad ka qabsan isbitaalka. Haddii aad go'aansato, wax kale oo intaa dheeraad ah lagaagama baahna inaad isbitaalka lasoo hadasho laftaadu si aad balanta u qabsato. 

Haddii aad doonayso inaad la hadasho daryeel bixiye caafimaad oo guud, kaaliya caafimaadka shacabka ama qof kale, ayaa kula xidhiidhsiin kara si aad balan u qabsato. Adeegyadani waa bilaash. Tani waxay kaa caawin kartaa inaad balan ka qabsato isbitaalka. Waxaad la xidhiidhi kartaa Amathea, taas oo bixisa latalooyin haweenka uurka leh. Adiga ayaa go'aansanaya haddii aad doonayso inaad cid kala hadasho kahor inta aanad ka samaysan balan isbitaalka. 

Marka aad lasoo hadasho isbitaalka, waxay ku waydiin doonaan wakhtigii ugu danbeeyay ee aad caadada yeelatay. Sidoo kale way xisaabiyaan tirada todobaadka aad uurka leedahay. Waxaad heleysaa balan shaybaadhkaaga kowaad ah taas oo ku salaysan taariikhda maalinta kowaad ee ay kuugu danbaysay wareegii caadadu.

Goorma ayaan heli karaa Iska soo xaadhka uurka aan go'aansaday?

Waxaad qaadan kartaa shaybaadhka uurka, waana inay taasi ahaataa mid lagaa heley.

  • Ta ugu fudud: Iska soo xaadhka uurka lama samayn karo wixii ka horeeya todobaadka 6 ee uurka. Tani waxay ka dhigan tahay haddii aad ogaato inaad uur leedahay wakhti hore, waa inaad sugtaa mudo kahor inta aan lagaa soo xaadhin.
  • Mar danbe: Waxaad iska soo xaadhi kartaa ilmaha ilaa todobaadka 12 ee uurka. Waxaa macquul ah inaad soo xaadhi karto uurka wixii ka danbeeya 12 todobaad, laakiin waa inaad dalbataa taas. Arjigaasi waa inuu qoraal ahaataa oo aad la qortaa dhakhtarka isbitaalka jooga ama xirfadlahaaga caadimaad guud. Arjiga waa inaad ku sheegto sababta aad u doonayso inaad iskaga soo xaadho uurka. Arjigaa waxaa isla eega gudi ka kooban laba dhakhtar. Gudida ayaa go'aamisa haddii arjigaaga uur iska soo xaadhka la ansixiyay ama la diiday. Haddii arjigaaga uur iska soo xaadhka la diiday, arjiga si toos ah waxaa u eegi doona cid kale. 

Badanaa dadka doona inay uurka iskasoo xaadhaan wixii ka danbeeya todobaadka 12 ee uurka oo haystana sabab wanaagsan oo ay taas u samaynayaan, oo arjigooda uur iska soo xaadhka loo ansixiyo wixii ka danbeeya todobaadka 12 ee uurka. Shuruuduhu way kasii adkaadaan marka ay kolba mudo kasoo wareegto. 

Todobaadkee uurka?

Qaabka uu qofku u xisaabiyo todobaadka uurka waa waxoogaa mid kala duwan. Dadka qaar waxaa markaa dhici karta inay la yaabaan marka ay ogaadaan inay ku jiraan todobaad aan ahayn kii ay aaminsanayeen inuu uurkood yahay. Tusaale ahaan, haddii aad samaysay galmo aanad waxba u adeegsan todobaad kahor, waxaa laga yaabaa inaad ku jirto waxa loo yaqaano todobaadka sadexaad ee uurka. Tani waxaa sidaa loogu yeedhey maadaama uurka laga xisaabiyay todobaadka kowaad ee maalinta ugu danbeysay caadada; markii kuugu danbaysay ee mudada uurka.

Caadiyan, tani waxay ka dhigan tahay todobaadka uurka waxaa laga xisaabiyaa laba todobaad ee ugu danbeeya ee aad uurka qaaday. 

Balanta kowaad ee isbitaalka

  • Marka uu kula soo hadlo isbitaalku oo uu kuu hayo macluumaad aad u baahan tahay, waxaad heli doontaa balantaada. Balantaada kowaad ee isbitaalka, waxaa lagugu baadhi doonaa altaraasowndh si wax badan looga ogaado inta todobaad ee aad uurka leedahay. Shaybaadhka waxaa lagu sameeyaa altaraasowndh gudaha, kaas oo yar, elongated rod waa mid la galiyo gudaha ferjiga haweeneyda. Altaraasownka dibada, waa altaraasowndh xaluska la mariyo, lamana isticmaalo wixii ka horeeya todobaad 13 ee uurka. 
  • Kadib altarasowndhiga, dhakhtarka ayaa sheegi doona qaabka ilmo soo xaadhka ee kugu munaasabka ah. Waxaad u sheegi kartaa waxa aad doorbidayso, laakiin altaraasownku waxaa go'aamiya dhakhtarka taas oo ku salaysan qaabka ugu fiican marka laga eego dhanka caafimaadka.
  • Waxaa jirta laba nooc oo iska soo xaadhka uurka: Iska soo xaadhka uurka oo dawo ah, iyo iska soo xaadhka uurka oo qaliin ah. 

Imisa ayuu ku kacaa iska soo xaadhka uurku?

Norway, iska soo xaadhka uurku waa u bilaash dadka u dhashay Norway iyo haweenka magan galyo doonka ah ama dadka sida sharciga ah u degan Norway. Dalxiisayaasha iyo dadka kale ee ajaanibka ah (oo ay kamid yihiin dadka Reer Yurub) waa inay Norway gudaheeda iska bixiyaan haddii ay doonayaan in ilmaha laga soo xaadho. Kharashka way ku kala duwan yihiin isbitaaladu. 

Kadib iska soo xaadhka uurka

Sida uu qofku maskixiyan uu u aqbalo iska soo xaadhka uurka dadku way ku kala duwan yihiin: 

  • Dadka qaar wax murugo ah ma dareemaan, laakiin waxay si wayn ugu arkaan, oo ay dareemaan inay heleen xalkii mushkiladooda. 
  • Dadka qaar waxaa dhici karta inay ku adkaato oo ay caqabad ku noqoto. Markaa waxaa macquul ah inay adkaato in qofka lagala hadlo, tusaale ahaan lamaanaha, saaxiibka ama qoyska ee qofka xidhiidh wanaagsan la leh, ama daryeelka caafimaad bixiye. Waxaa sidoo kale jiraa qaar adeega la talinta waxaad la soo xidhiidhi kartaa. 
  • Dadka kalena waxay dareemaan kaar ka dhacay iyo murugo wada socota. 

Ma jiro dareen khalad ahi. Dadku way kala duwan yihiin, qof kastaana waxaa uu soo maray xaalad ka gedisan marka ay doonayeen inay uurka qaadaan, oo qof kastaa waxa uu leedahay sabab u gaar ah oo uu ilmaha iskaga xaadhayo. Waana taas sababta ay siyaabo kala duwan ugaga jawaabaan. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo