Norway, nin kasta iyo naag kastaa waxay xaq u leedahay inay hesho macluumaadka ku saabsan uur baajiyayaasha kala duwan oo ay ka helaan kaaliyaha caafimaadka shacabka, umulisada ama dhakhtarka. Sidoo kale waxaa macquul ah inaad ka baadho macluumaadka internetka ama inaad la xidhiidho adeega latalinta.

Waxaa jira

  1. uur baajiyayaal aad iibsan karto iyada oo aan laguu qorin,
  2. uur baajiyayaal aad kaliya iibsan karto marka laguu qoro,
  3. uur baajiyayaasha ay si toos ah kuu siin karto kaaliyaha caafimaadka shacabka, umuliso ama dhakhtar.

Uur baajiyayaasha aan u baahnay in laguu qoro

Waxaa jira uur baajiyayaal aad iibsan karto iyada oo aan laguu qorin. Taasi macnaheedu waa inaad iibsan karto uur baajiyayaashan adiga oo aan marka hore u baahan inaad u tagto dhakhtar.

Waxaad iibsan kartaa uur baajiyayaasha soo socda iyada oo aan laguu qorin:

  • Koondhom: Waxaad ka dalban kartaa koondhom bilaash ah gratiskondomer.no ama waxaad ka heli karta xarunta caafimaadka dhalinyarta . Waxaad sidoo kale ka iibsan kartaa koondhom farmasiga, tukaamada agabka caafimaadka iyo quruxda, subermaarketka, kaalmada iyo online ahaan. Waxaad xaqiijisaa inaad iibsado cabirka saxda ah, in aanu bushqada uu ku jiraa aanay daloolin oo aanu gaboobin koondhomku.
  • Koobka uur baajinta: Koobka uur baajinta waxaad ku iibsan kartaa internetka ama farmasiiyada qaarkod. Koobka uur baajinta waxa laga helaa Norway iyada oo ah hal cabbir oo cid kasta leeg, taas oo haween badan u geli karta, laakiin waa lagaga kalsooni yar yahay uur baajiyahan marka la barbar dhigo farsamooyinka kale ee uur baajinta.
  • Kondhoomka haweenka: waxaad online ahaan ku iibsan kartaa kondhoomka haweenka.
Koondhom
Koobka uur baajinta (Diaphragm)
Koondhomka haweenka

Uur baajiyayaasha u baahnay in laguu qoro

Waxaa jira uur baajiyayaal ah hormoono kuwaas oo u baahan inay kuu qorto kaaliye caafimaadka shacabka, umuliso ama dhakhtar, oo haweeney kastaa uma dul qaadan karto uur baajiyayaasha hormoonada ah sidoo kale. 

Marka laguu qoro, waxaad ka iibsan kartaa uur baajiyahan farmasiga.

Waxaad u baahanaysaa warqad ay kuu qortay kaaliye caafimaadka shacabka, umuliso ama dhakhtar si aad u iibsato uur baajiyayaasha soo socda:

Kiniinka ka hortaga uurka
Kiniinka uur baajiyaha
Fargalka gudaha ferjiga
Xabagta ka hortaga uurka

Uur baajiyaha uu ku geliyo xirfadlaha caafimaadku

Waxaa jira uur baajiyayaasha ay tahay inay ku geliso kaaliyaha caafimaadka shacabka, umuliso ama dhakhtar:

IUD hormoon wata
Naxaas IUD
Irbada ka hortaga uurka
Maqaargalinta uurka hortaga

Kharashaadka

  • Uur baajiyayaasha hormoonada aha iyo koobarka IUD waa bilaash haddii ay da'daadu u dhaxayso 16 ilaa 19 jir. Haddii aad jirto inta u dhaxaysa 20 ilaa 22 sano jir waxaad bixinaysaa qayb kamid ah kharashka. Wixii ka danbeeya 22 adiga ayaa iska wada bixinaya. 
  • Waxaad ka heli kartaa koondhom bilaasha ah gratiskondomer.no ama xarunta caafimaadka dhalintarta. Haddii aad koondhomka meel kale ka iibsato waa inaad kharashka adigu iska bixisaa. 

Xadiga da'da

Haddii aad ka yar tahay 16 jir waa inaad heshaa ogolaanshaha waalidka oo ay siiyaan kaaliyaha caafimaadka shacabka, umulisada ama dhakhtarka si ay kuugu qorto kiniinka uur baajiya ama uur baajiyayaasha kale. Waxay jira mararka qaar laga soo reebo haddii aanad heli karin ama aanad doonaynin inaad kala hadasho waalidkaa uur baajiyaha. 

Dhamaan haweenka ka wayn 16 waxay ka heli karaan kaaliyaha caafimaadka shacabka uur baajiye, umulisada ama dhakhtarka. Waalidka ama lamaanahaaga maaha inuu ogaado arrinkan, xirfadlaha caafimaadka waxaa saaran masuuliyada inuu ilaaliyo sirta ah

Raga iyo haweenkuba waxay ka masuul yihiin isticmaalkooda uur baajiyaha. Waxay keentaa kalsooni inaad kala hadasho lamaanahaaga. Labada dhinac waxay xaq u leeyihiin inay go'aamiyaan haddii ay doonayaan inay isticmaalaan uur baajiye, laakiin qofna kuma khasbi karo lamaanihiisa inuu isticmaalo uur baajiye. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo