Waa maxay muuqaalada galmadu?

Muuqaalada galmadu waxay noqon karaan tusaale ahaan qoraal, sawiro, filimaan iyo matalaad muujinaya ficil galmo. Muuqaalada galmadu kaliya waxay ku taxaluuqaan fikilada galmada jidh ahaan. Dhamaan dhinacyada kale ee galmada, sida jacaylka iyo isasoo jiidashada, laguma muujiyo. Markaa, muuqaalada galmadu marna lamid maaha galmada caadiga ah. Muuqaalada galmadu waxaa loogu talo galay inay qanciyaan rabitaanka shayga galmada.

Malaga ogol yahay Norway Muuqaalada galmada?

Norway, waa laga ogol yahay in lagu soo saaro, daawado, lahaado, tuso, iibiyo, iibsado, laga ganacsato ama loo faafiyo qaab kale Muuqaalada galmada ah iyada oo qaab qoraal ah, duuban, sawiro ah, filimaan ah iyo matalaad ah. 

Muuqaalada galmada sharciga ah

  1. Kaliya qofku waxa uu kaga qayb geli karaa marka uu doonayo.
  2. Qof kastaa waa inuu ogolaadaa baahinteeda.
  3. Qof kasta oo ogolaanayaa waa inuu ahaadaa ugu yaraan 18 sano jir.
  4. Qofku waa inuu ahaadaa ugu yaraan 18 sano jir si uu usoo saaro, daawado, lahaado, cid u tuso, iibsado, ka ganacsado ama u qaybiyo qaab kale waxyaabaha muuqaalada galmada ah. Waa mamnuuc inaad tusto ama siiso waxyaabaha muuqaalada galmada ah qof ka yar 18 sano jir.

Muuqaalada galmada ah ee sharciga darada ah: maxaa mamnuuc ah?

Waxaa jira noocyo gaar muuqaalada galmada ah oo ka mamnuuc ah Norway. Waa mamnuuc in la soo saaro, daawado, lahaado, iibiso, laga ganacsano ama qaab kale loo qaybi muuqaalada galmada noocan ah.

Kuwa soo socdaa waa mamnuuc:

  • ficilka dagaalka ah, sida kufsiga
  • talaabada galmada ee dadka iyo xayawaalka
  • galmada caruurta (qofka kayar 18, oo sidoo kale loo yaqaan 'muuqaalada galmada caruurta')
  • sawirka qaawan ama qayb ahaan qaawan ee ilmaha/qofka dhalinyarta ah taas oo ah qaab la odhan karo waa galmo ilme 
  • sawiro muujinaya galmo oo xubinta taranka ilme ah (gudaha ferjiga, dabada iyo naasaha ama dabada iyo guska wiilasha)

Muuqaalada galmada ee badan

Haddii aad daawato muuqaalada galmada, sida filimaanta muuqaalada galmada, badanaa, waxay noqotaa kuwa ku hadheeya. Haddii aad u aragto in xakamihii kaa lumay, waxaad dalban kartaa talo adiga oo u tagaya daryeelka caafimaad bixiyaha guud ama xarumaha caafimaadka ee shacabka iyo adeegyada caafimaadka dugsiga.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo