Xuquuqda latalinta ee wixii ku saabsan qorshaynta qoyska

Haddii aad uur leedahay waxaad xaq u leedahay inaad hesho macluumaadka iyo latalin nooca kaalmada iyo taageerada dhaqaale ee aad xaqa u leedahay. Kala hadal umulisada ama dhakhtarka caafimaadka guud. Waxaad la xidhiidhi kartaa Amathea, oo siisa latalin bilaash ah oo haweenka uurka leh. 

Xuquuqda iska soo xaadhka uurka

Norway, dhamaan haweenku waxay xaq u leeyihiin inay iska soo xaadhaan uurka ilaa todobaadka 12 ee uurka. Maaha khasab inaad sheegto sababta aad u doonayso inaad iskaga soo xaadho uurka.

Waxaad sidoo kale iska soo xaadhi kartaa uurka wixii ka danbeeya 12 todobaad, laakiin waxaa ka waajiba shuruudaha qaar.

Xuquuqda daryeelka caafimaad ee haweeneyda uurka leh

Dhamaan haweenka uurka leh ee jooga Norway waxay xaq u leeyihiin daryeel caafimaad oo ay ka helaan umuliso ama dhakhtar kale. Helida latalintu waa bilaash ah, waxayna kusiin doontaan talooyin iyo taageero si ay u xaqiijiyaan caafimaadka iyo badqabka ilmahaaga iyo adigaba.

Adeega waxaa kamid ah:

Dawladaha hoose qaar, umulisadu waxay booqan kartaa guriga. 

Ilaalada hooyada

Shuruudaha deegaanka shaqada:

Norway, loo shaqeeyayaasha (sida, shirkada) waxay ka masuul yihiin inay xaqiijiyaan in shaqaalaha uurka leh laga ilaaliyo inay dareemaan raaxo daro iyo dhaawaca shaqada, iyo in la baajiyo inay qaadaan dhaawac ilmaha ama haweeneydu. Haddii loo shaqeeyahaagu kaaga baahan yahay inaad qabato shaqo khatar kugu ah adiga ama ilmahaaga waa inaad la xidhiidhaa Hay’adda Kormeerka Goobaha Shaqada (Arbeidstilsynet).

Fasaxa dhalmada iyo fasaxa daryeelka qoyska:

Haweenka uurka leh waxay xaq u leeyihiin inay 12 todobaad ay fasax ka galaan shaqada inta ay uurka leeyihiin. Aabaha ama qof kale oo daryeelaya hooyadu waxa uu xaq u leeyahay inuu fasax ka galo shaqada laba todobaad. 

Mamnuuca shaqada umusha kadib:

Norway, hooyooyinka looma ogola caadiyan inay shaqeeyaan lixda todobaad ee dhalmada kadib. Tani waa sharciga xataa haddii aad doonayso inaad shaqayso. Si laguugu ogolaado inaad shaqayso, waa inaad la timaadaa shahaado caafimaad oo sheegeysa inay kuu dhaanto inaad shaqayso.

Ilaalada qofka ee in shaqada laga eryo:

Haddii aad uur leedahay, loo shaqeeyahaagu kaama eryi karo shaqada inta aad uurka leedahay iyada oo jirta moojee sabab ah oo aan la xidhiidhin uurkaaga (sida, inaad shaqaale wax ka xado). Sidoo kale lagaama eryi karo shaqada inta aad uurka leedahay ee wakhtiga aad haysato fasaxa waalidnimada. 

Wakhtiga aad shaqada ka maqnaan karto ee shaybaadhka:

Haddii aad u shaqayso loo shaqeeya oo aad uur leedahay, cida aad u shaqaysaayi waa inuu kuu ogolaadaa inaad tagto dhamaan shaybaadhada caafimaad, xataa saacadaha shaqada. Cida aad u shaqaysaayi waa inay ku siisaa mushaharka dhamaystiran oo looma ogola inay wax kaa goosato maadaama oo aad tagtay shaybaadh caafimaad.

Haddii aad leedahay heshiis shaqo oo go'an, ilaalada hooyadu way ku jirtaa mudadaas heshiiska shaqo ee go'an ee aad leedahay.

Fasaxa waalidka

Waalid ahaan waxaad xaq u leedahay inaad hesho fasax 12 bilood ah wadartii. 12-kan bilood waxaad xaq u leedahay gunooyinka waalidka haddii aad u qalanto. Sidoo kale, waxaad xaq u leedahay fasax waalidka ah marka laga tago 12 bilood ee ilmo kasta oo aad dhasho, laakiin xaq uma lehid inaad hesho lacag ama taageero dhaqaale. 

Halka aad ka qaadan lahayd fasax dhamaystiran, waxaa macquul ah inaad kolba in qaadato. Waa inaad kala heshiisaa cida aad u shaqayso. Haddii aad kolba in qaadato fasaxa waalidka ee aad leedahay xaq uma lehid inaad qaadato 12 bilood oo dheeraad ah.  

Gunooyinka waalidka

Waalid ahaan waxaad xaq u leedahay inaad hesho gunooyinka waalidka. Si aad ugu qalanto gunooyinka waalidka waa inaad leedahay dakhli gaar ah 10-kii bilood ee ugu danbeeyay ugu yaraan 6 bilood. Gunooyinka waalidka waxaa looga jeedaa inay badalaan dakhliga aad heli lahayd haddii aad shaqayn lahayd, ilaa xadi kamid ah. 

Waxaad dooran kartaa haddii aad doonayso inaad qaadato 100 boqol ama 80 boqolkiiba gunooyinka waalidka. Haddii aad qaadato 100 boqol waxaad xaq u leedahay gunooyinka 49 todobaad isku gayn. Haddii aad qaadato 80 boqol waxaad xaq u leedahay gunooyinka 59 todobaad isku gayn. 

Waxaa loo qaybiyaa gunooyinka waalidka sidan:

  • Kootada hooyada: 15 todobaad oo guno 100 boqol ah. 19 todobaad oo guno boqol 80 ah. Lix todobaad oo kamid ah kuwan waa laga noqdaa xuquuqda dhalmada kadib. Sidoo kale, hooyadu waxay qaadanaysaa 3 todobaad oo gunooyinka waalidka ah kahor dhalmada. 
  • Kootada waalidka: 15 todobaad oo guno 100 boqol ah. 19 todobaad oo guno boqol 80 ah. Kootada waalidka waa in ay ahaataa sharci si loo isticmaalayo kahor dhamaadka mudada la wadaago.
  • Mudada la wadaago: 16 todobaad oo guno boqol 100 ah. 18 todobaad oo guno boqol 80 ah. Marka aabuhu ka noqdo mudada la wadaago, hooyadu waa inay qabataa hawlo la ansixiyay, sida, shaqo, waxbarasho ama inay qayb ka tahay barnaamij dadka soo galaytiga ah ee iminka yimid. Waxaa laga soo reebaa haddii hooyadu ay ku tiirsan tahay daryeel ilmo maadaama oo uu xanuunsanayo. 

Hooyadu waa inay qaadataa gunooyinka waalidka ugu yaraan sadex todobaad ee ka horeeya dhalmada. Hooyadu waa inay qaadataa gunooyinka waalidnimo ee laba iyo tobanka todobaad ee ka horeeya ee la filayo in lagu dhalo, laakiin waxaa jiri doona tiro todobaado ah oo kayar mudada dhalmada ee la wadaago. 

Haddii aad doonayso inaanad shaqaynin inta aad uurka leedahay maadaama oo ay waxyeelo aad uga baqanayso ilmaha, waxaad sidoo kale xaq u leedahay gunada uurka

Hooyooyinka aan haysan dakhli ku fulan si ay ugu qalmaan gunada waalidka waxay heli karaa xadi la qiyaasay oo hooyada ah iyo deeqda korinta ah.

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsna taageerada dhaqaale ee haweenka uurka leh Nav.

Gunada ilmaha iyo lacagta gunada daryeelka

Haddii aad leedahay caruur kayar 18 oo adiga kula nool, waxaad xaq u leedahay inaad hesho gunada caruurtaas. Ujeedada gunada ilmuhu waa in aad u bixiso kharashka ilmaha, waxaana lagu xisaabiyay oo ay ku salaysan tahay tirada caruurta aad leedahay. Si aad ugu qalanto gunada ilmaha ilmuhu waa inuu degan yahay Norway, waana inaad dalka ku joogtaa sharci. Gunada caruurta waxaa la siiyaa ilaa inta ay gaadhayaan bisha ka horeysa inta aanu ilmuhu noqon 18 jir. 

Haddii aad haysato caruur da'doodu u dhaxayso 1 ilaa 2 sano jir, oo aanay si buuxda u tagin xarunta daryeelka maalintii ee waxbarashad dugsiga ka horeysa deeqdeeda lacageed, waxaad xaq u yaalan kartaa gunada lacageed ee daryeelka. Sharci guud ahaan, adiga iyo ilmahaagu waa inaad deganaataan Norway si laguu siiyo gunada. Sidoo kale, waa inaad xubin ka tahay Barnaamijka Caymiska Qaran ("folketrygden") ugu yaraan 5 sano. Marka uu ilmuhu la nool yahay labada waalid, waa in labadooduba ay xubin ka ahaadaan Barnaamijka Caymiska Qarab 5 sano. Ma bixino lacagta gunada daryeelka wax ka badan 11 bilood. 

Su'aalaha ku saabsan uurka

Haddii aad leedahay uur oo aad u baahan tahay caawimo ama latalin waxaad la xidhiidhi kartaa dhakhtar guud ama adeega latalinta. Amathea waxay bixisaa latalin haweenka uurka leh iyo lamaanayaashooda oo bilaasha ah. 

Norway, dhamaan xirfadlayaasha caafimadka waxaa ku waajib ah masuuliyada sirta, taas oo ka dhigan inayna macluumaadka aad u sheegtay cid kale u sheegi karin, xataa haddii uu qofku yahay qoyskaaga ama lamaanahaaga. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo