Suuxdin

Dawada kahor tagta in la dareemo xanuun. Dhakhtarka ayaa ku siinaya suuxinta deegaanka ama guud kahor inta aan qaliin lagugu samaynin. Haddii lagu siiyo suuxdinta deegaanka, qayb kamid ah jidhka ee qaliinka lagu samaynayo ayaa la suuxinayaa, markaa waxba halkaa lagama dareemayo, laakiin weli qofku wuu soo jeedaa. Suuxdinta guud, dhamaan jidhka waa la seexiyaa.

Anaesthetic

A medicine which stops you feeling pain. The doctor gives you a local or general anaesthetic before an operation. In the case of local anaesthetic, only the part of the body which is going to be operated on is anaesthetized, so you feel nothing there, but are still awake. In the case of general anaesthetic, the anaesthetic puts you to sleep.