Xidhiidh hooyo-ilme

Xidhiidhka hooyoda iyo ilmaha u dhexeeyaa waxaa uu u yimaadaa si dabiiciya xiliga uurka.

Hooyada iyo ilmuhuu si isdaba joog ah ayay uga jawaan calaamadaha ka kale. Maalinkasta hooyadu waxay si fiican u fahantaa ilmahaa rabitaangiisa. Tusaale ahaan: sababta uu ilmuhu u ooyo ama markaa uu gaajoonayo.

Naas-nuujintu waxaay ka caawisaa xoojinta xidhiidhka hooyada iyo ilmaha. Si kasta ha ahaate, hooyooyinka aan naas-nuujinin waxay sidoo kale si dabiici ah ula xidhaan ilmahooda. 

Xidhiidh aabaha-ilmaha

Aabayaashu, sidoo kale,waxay adkayn karaan xidhiidhka ay la leeyihiin caruurtooda. Waxay, tusaale ahaa:

  • Ilmaha hab sii;
  • Ilmaha u maydh;
  • llmaha qaad qaad.

Wakhtiyada isku soo dhawaanshu waxay muhiim u yihiin aabaha iyo ilmaha. Waxa kale oo ay ka dhigan tahay hooyadu way nasan mararka qaar.

Sheekayn

Waalid noqoshadu waa geedi socod waxbarasho. La hadal qoyskaaga, saxiib, and waalid iyo dhakhtarkaaga ama umulisadaada. Waxay kaa caawin karaan wixii talo ah. Sidoo kale waxaad kala hadashaa lamanahaaga waxaad rabtaan iyo waxaad doonaysaan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo