Maalmaha u horeeya markuu ilmuhu dhasho

Inyar kadib marka aad umusho: 

  • Neefsiga ilmaha, midabka maqaarka, adkaanshaha murqaha, wadno garaaca iyo ka jawaabida dareenka waa la baadhi doona.
  • Ilmaha waxaa lagu mudi doonaa kiitaamiin K. 
  • Markaa waxaad qaadi kartaa ilmahaaga. Haddii lagugu sameeyay qaliin, lamaanahagaa ayaa qaban doona ilmaha ilaa uu naburkaadu ladnaado.
  • Haddii ilmagaagu bilaabo inoo doon doono naaska, waxaad siin kartaa naaska marka kowaad. Umulisadaada ayaa kaa caawin doonta si la xaqiijiyo in ilmahaagu si wanaagsan u qabsado naaska. 
  • Umulisada ama kaaliyaha caafimaadka ayaa miisaami doonta oo qiyaasi doonta dhererka iyo xaalada madaxa ilmaha. Isaga/iyagu waxay kadibna u xidhi doontaa dhar ama waxay ku duuduubi doontaa maro. 
  • Waxaa diirada lasaarayaa in ilmahaaga si fiicaan loo naas-nuujiyo. Adiga iyo ilmuhuba waxaad u baahan doontaan wakhtig iyo nidaam si aad u heshaan khidada naas nuujinta ee ugu wanaaagsan. Waa caadi in ilmuhu uu baahdo in inbadan wax lasiiyo in. 

Maalmaha u hooreeya:

  • Marka uu ilmuhu hal maalin ah jiro dhakhtarka caruurta ayaa baadha. Wadnaha iyo sanbabka, jidhka, laf dhabarta, jawaab celinta, miskagaha iyo indhaha ilmaha ayaa la baadhi doonaa. 
  • Maqalka ilmaha ayaa la baadhi doonaa. 
  • Ilmaha waxaa laga baadhi doonaa xanuunada metabolic ee naadirka ah. Muunad yar oo dhiig ah ayaa laga qaadi doonaa. Haddii aan tan la samaynin inta anaa isbitaalka laga bixin, waxaad u baahan tahay in aad isbitaalka kusoo noqoto si aad u qaadato badhitaankan. Dagmooyinka qaar umuliso ayaa kugu soo booqan guriga si ay uqaado baadhitaanka.
  • Ilmaha waa la misaamaa laba jeer ama in badan: Labada ama afarta cisho ee u horsa dhalashada ka dib, kadibna mar afar ilaa toban kale dhalashada ka dib. 
  • Dagmooyin badan waxay bixiyaan booqasho guri oo umuliso ah 3 cisho kadib markaad dhakhtarka ka badxo. 

Ilmaha cusub ee markaa dhashay maaha inuu xanaaqo, dhibtoodo ama tabcaamo. Tani waxa laga yaabaa in ay tahay calaamad xanuun. Laxidhiidh isbitaalka hadaad ka warwarsan tahay ilmahaagu in uu xanuusanayo. 

Todobaadyadaka xiga

  • Markaad isbitaalka ka baxdo waxaad ka heli booqasho umulisada iyo/ama kalkaaliso caafimaad ee bulshada oo guriga kuugu timaada. Latalin waxaa hadhaw lagugu siin doonaa goobta caafimaad ka ee bulshada. Waxaad heli doontaa buug yar kaas oo lagu rikoodh gareeyo la talinta.
  • Ilmaha waxaa laga yaabaa in uu miisaankiisu is dhimo isbuuca u horeeyaa markuu dhasho kadib, haddii xitaa si fiican wax loo siiyay. Waa caadi in ilmuha misaankiisu isdhimo. Waa inaanad ilmaha cusub ee dhashay aanad siiniin cunto kale ama cabitaan aan ahayd caanaha naaska, haddii ay jirto mooye sabab caafimaad taas oo aad u sheegtay qofka xirfada caafimaad leh. 
  • Lix usbuuc kadib ilmaha waxaa la siin doona talaal

Ilmaha caafimaad qaaba wuxuu leeyahay heerkul joogto ah, kaadida iyo saxaradu na tahay joogto, bixiyaa calamaado in uu rabo in wax la siiyo, oo waxa uu u jaqaa si fiican naaskaaga ama masaasada. Hadaad ka warwarto ilmahaagu inuu xanuusanayo ama anuu qaadanaynin cunto fiican, waxaad u baahantahay in la xidhiidhid isbitaalka. Waxay furan yihiin saacad kasta. 

Xarunta caafimaadka hooyada iyo ilmaha

Xarunta caafimaadka ilmaha iyo hooyadu waa adeeg la siiyo haweenka uurka leh, caruurta u dhaxaysa 0 ilaa 5, iyo waalidkood. Xarunta caafimaadka hooyada waxaa ka shaqeeya umuliso, kaaliyaha caafimaadka shacabka, dhakhtar iyo dhakhtar cilmi nafsi. Xarunta caafimaadka shacabka oo ay ku lamaan yihiin adeegayda dawlada hoose ee kale iyo isbitaalada deegaanku. 

Xarunta caafimaadka shacabka waxay bixisaa daryeelka dhamaan caruurta joogto Norway oo bilaasha ah. Adeegyada lagu bixiyo waxaa kamid ah shaybaadhka caafimaad, talaada iyo bixinta talooyinka iyo latalinta waalidka. Caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay helaan shaybaadhka caafimaad ee dawlada hoose ee ay degan yihiin, ama si ay kumeel gaadh ah u joogaan. Caruurta aan haysan daganaanshaha rasmiga ah ee Norway waxay leeyihiin xuquuq lamid ah caruurta kale. 

Dawladaha hoose qaar, xarumaha caafimaadka shacabku waxay bixiyaan daryeelka dhalmada kahor iyo adeegyada umulisada. 

La xidhiidh caafimaadka dalwadaada hoose iyo adeegyada daryeelka ama ka eeg websaytka dawlada hoose si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan umulisooyinka iyo xarumaha caafimaadka shacabka ee dawlada hoose ee halka aad degan tahay.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo