In aad noqoto waalid waxa laga yaabaa in ay badasho xidhiidhkaaga lamane.

Fiiro gaar ah ayaa la siiyaa ilmaha, iyo adigoo aan si wanaagsan u seexan. Wakhti u sameeya labadiinuba si aad ula qabsataan marxalada cusub una heshaan dariiq aad ku hagaajisaan.

Nolasha galmada

Noloshaada galma waxaa laga yabaa in ay isbadasho:

  • Todobaadka kowaad umusha kadib, haweeneydu waxay weli umushii ayay kasoo kabanaysaa. Labada lamaane ba waa in ay cagta u dhigaan.
  • Haddii naas-nuujinayso ilmahaaga (haween), naasaahagu way culuslaadaan oo dareen badan ayay yeeshaan. Waxaa laga yaabaa in ay sii daayaan caano inta u dhaxaysoo naas jaqsiinta.
  • Mudada dhalmada kadib, haweeneyda waxaa dhici karta in rabitaankeeda galmadu yaraato. Mararka qaar haweeneyda ninkeed ayay ka cabsataa in uu xanuujiyo. In laga wada hadlo dareenkaga iyo rabitaankaaga.
  • Jidhka haweeneydu wuu is badali karaa. Tusaale ahaan: isbadal xaga misaanle, isbadal dhismaha caloosha iyo naasaha, calaamado caloosha ah iyo waxyaabo lamid ah. Labaduba waa in ay la qabsadaan.

Lahadal lamaanahaaga oo isku dayga in aad heshaan nolol galmo oo labadiinaba aad la qabsan kartaan xabadiinan cusub.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo