Qof kastaa waxa uu leeyahay filasho kala duwan iyo rabitaano oo xidhiidh kastaa wuu kala duwan yahay. Laakiin, waxaa muhiim ah in xidhiidh kasta in labada lamaane ay isku sheegi karaan dareenkooda, rabitaankooda iyo fikirkooda. Xataa haddii ay jiraan mushkilado xidhiidhkooda ah ama mushkilado noloshooda galmo, waa inay isku dayaan inay xidhiidhaan.

Waxa ay tahay in laga wada sheekeysto

Inaad muujiso lamaanahaaga sida aad dareemeysaa waxay gacan ka gaysan kartaa inay bilaabanto wada hadalka labadoodu. Waxaad kala hadli kartaa lamaanahagaa waxyaabo badan. Tusaale ahaan:

  • riyadaada iyo qorshayaashaada mustaqbalka;
  • hawlaha aad doonayso inaad qabato;
  • waxyaabaha aad ka hesho ee uu leeyahay lamaanahaagu;
  • inaad dhasho caruur ama inaanad dhalin;
  • rabitaankaaga, farsamooyinka, riyada iyo dareenka: waxa aad ka hesho iyo waxa aanad ka helin ee noloshaada galmada
  • hinaase, waxa aad ka xanaaqdo iyo waxa ku dhiba: waxa aanad doonaynin ee xidhiidhkaagu leeyahay, xadidaadaada
  • galmada amaanka ah: isticmaalka koondhomka iyo uur baajiyayaasha kale.

Sida aad u wada hadli kartaan

Haddii aad kala hadlayso galmada ama xidhiidhkiina lamaanahaaga:

  • Dooro wakhti aad heleysaan wakhti fiican oo aad kaga wada hadashaan;
  • Isku day inaynaad midba midka kale khaladka saarin;
  • Cadee (faafaahinta wad) si aad iskaga ilaaliso inaad is khalad fahantaan;
  • U muuji qadarin lamaanahaaga;
  • Ka sheekee dareenkaaga iyo rabitaankaaga iyo sida aad wax u fahansan tahay.

Ka hadal wixii isku dhawaanshaha ah lamaanahaaga ee ay mushkiladu ka jirto. Marka la sheekeysiga lamaanahaagu ay adkaato, isku day inaad kala hadasho qof aad ku kalsoon tahay ama dalbo kaalmo xirfadle. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo