Dhalmada kadib, hooyada waxaa lagu daryeelayaa rugta caafimaadka ama guriga, hadhawna sidoo kale umuliso ama dhakhtar.

Saacadaha u horeeya, dhakhtar ama umuliso ayaa si joogta ah u baadhaysa wadnahaaga, heerkulka jidhkaaga, dhiigaaga iyo ilma galeenkaaga. Iyada / isaga waxay eegi doonaan xadiga dhiig ka imanaya gudaha ferjiga.

Maxaa ku dhacaya jidhaka dhalmada kadib?

  • Ilmo galeenku aayar ayuu dib iskugu dhismayaa. Waxa uu qaadaa oo wax yar ayaa u kordha. Isoo soo uruurintan , waxaa loo yaqaan xanuunka kadib, waxay noqon karaan kuwa aan la jeclaysan. Lix ama sideed isbuuc kadib, ilma galeenku waxa u ku noqonnayaa cabirkiisii hore.
  • Hadaad leedahay nabur ama dilaac maqaarka u dhaxeeya gudaha ferjiga iyo salka badhida dhexdooda (perineum), tolniinku waxa laga yaaba inuu ku dhibo markaad fadhiisanayso. Waxaad biyo ku shubtaa qodobada laba jeer maalinkasta si aad u nadiifiso. Tani waxa kale oo ay kaa caawinaysaa xanuunka.
  • Naftaada sii nasasho ku filan.
  • Waxaad dhiig kaa socon karaa gudaha ferjiga ilaa sideed wiig umasha kadib. Marka hore, dhiigu waa casaan khafiif ah. Kadib wuxuu noqdaa dareere buni ah. Hadhaw waxaa uu noqon karaa huruud ama cadaan. Xadiga dhiugu wuu yaraan doona. Waxaad badashaa tuwaalka aad isku nadiifiso si joogto ah. Ha isticmaalin buush.
  • Waxaad yeelan doontaa dhiigii caadada ahaa ee kowaad ilaa lix isbuuc dhalmada ka dib.. Hadaadnaas-nuujiso ilmahaaga, waxay qaadan doontaa in badan.
  • Intaad uurka leedahay waxaa jiidmaya muruqa miskaha hoose. Markaad umusho, murqahani waxa u baahanyihiin in ay jumicsadaan si ukala jidhmaan oo ay xoog dib u noqdaan. La tasho dhakhtarkaaga ama umulisadaada wixii talo ah.

Taageerada umulisadaada

Markaad dhasho, waxa kula socon doona xarunta caafiimaad ee dadwaynaha. Umuliso iyo /kalkaaliso caafimaad bulsho ayaa kuugu iman doonta guriga waxayna baadhi doontaa adiga iyo ilmaha. Iyada ama isaga ayaa ku caawin doona waxayna ku siin doonaan taloyiin wixii dhibaato ama su'aal ee aad qabto. Adeegyadu waa bilaash. Waydii umuliso ama kalkaaliso caafimaadka ee bulshada haddii aad u baahan tahay in aad isticmaasho dhalmo xakameeye.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo