Marka aad qabto wax su'aal ah oo ku saabsan noloshaada galmada ama xidhiidhkaaga ama mushkilada aad qabto, waxaad kala hadli kartaa xirfadle caafimaadka ah oo kala duwan. Badanaa waa inaad marka hore la xidhiidhaa xirfadla caafimaadka guud ah. 

Haddii ay daruuri tahay, xirfadlaha daryeelka caafimaad ayaa kuu gudbin kara khabiirka, tusaale ahaan, dhakhtarka haweenka ama dhakhtarka cilmi nafsiga.  Dhakhtar cilmi nafsi/dabiib ayaa kaa caawin karaa haddii, tusaale ahaan, aad qabto warwar, aad qabto HIV, mushkilado xidhiidhka ah, mushkiladaha qaar galmada, iwm. Kuwa qaar, waxaa ikhtiyaar wanaagsan ah dhakhtarka galmada.

Haddii aad dhigato dugsiga, waxaad la xidhiidhi kartaa adeega caafimaadka dugsiga. Halkan waxaad ka heleysaa la talin xirfadle caafimaadka ah oo ku saabsan tusaale ahaan, uur baajiyaha, mushkilada dareenka, galmada, iwm.

Badanaa dawladaha hoose waxay leeyihiin xarumo caafimaadka dhalinyarta ah, kuwaas oo bixiya adeeg bilaash ah oo loogu talo galay dhalinyarta kayar 20 sano jirka. Waxay bixiyaan talooyin iyo tilmaamo ku saabsan uurka, ilmo iska soo xaadhka, uur baajiyaha, xanuunada galada ku faafa iyo kuwa kale oo badan. 

Waxa lagala hadlayo xirfadlaha caafimaadka

Waxaad kala hadli kartaa xirfadlaha caafimaadka wax kasta oo ku saabsan xidhiidhka lamaaha ah. Tusaale ahaan: 

Sida loogala hadlayo xirfadle daryeelka caafimaad ah

Haddii aad doonayso inaad la hadasho xirfadle caafimaad, tilmaamaha soo socda ayaad adeegsan kartaa:

  • Ka fikir mushkilada ama su'aasha aad doonayso inaad ka hadasho; 
  • Ka fikir waxa aad ka doonayso xirfadlaha daryeelka caafimaad. Tusaale ahaan: talo, shaybaadh xanuunada galmada ku faafa, u gudbin khabiir …
  • Cadee haddii ay kugu adag tahay inaad ka hadasho arrinka;
  • Sharax mushkilada ama su'aasha ilaa inta aad awoodo. Tusaale ahaan: 'Ma lihi hamo galmo'.
  • Ka fikir kalmada aad doonayso inaad isticmaasho; qaamuuska websaykan ayaa kaa caawin kara;
  • Waxaad kala hadli kartaa qof aad ku kalsoon tahay, si uu kaaga caawiyo.

Waxaa badanaa adkaata inaad kala hadasho wixii ku saabsan xidhiidhka daryeelka caafimaad bixiyaha, laakiin waxay ka mid tahay shaqadiisa. Si wanaagsan ayay u yaqaanaan mawduucyadan. 

Sirta

Sirtaada waa la ilaalinayaa marka aad kala hadasho daryeelka caafimaad bixiyaha. Xirfadluhu kama waramo macluumaadka aad uga warantay. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo