Haddii ay kugu adkaato inaad la noolaato HIV waxaad laga yaabaa inaad ku nafisto in aad qof kala hadasho.
Marka aad u sheegto qofka inaad qabto hiv waxay kuu horseedi kartaa inay saamayn wanaagsan kuu yeelato. Dadka garanaya ayaa si wanaagsan kuu fahmi doona waxayna ku siin karaan taageero dhaanta. 

Marka aad ka sheekeyneyso xaalada HIV

Ka hadal HIV marka aad diyaarka tahay oo aad u aragto inaad u baahan tahay inaad ka sheekeyso. Dad badan waxay doonaan inay ka sheekeeyaan marka ay:

  • Marka loo sheegey inay la nool yihiin HIV;
  • Waxay bilaabeen inay qaataan dawooyinkooda;
  • Waxay bilaabeen xidhiidh cusub;
  • Cadaadis inaad waxa intaa le'eg qarisaa waxay noqotaa wax qofka kaa awood bata.

Dooro wakhtiga kuu haboon adiga. 

Hay'ado badan oo ka shaqeeya HIV Norway waxay bixiyaan taageerada lodka. Waxaa jira dad kale oo sidoo kale la nool HIV oo kaa caawin kara wakhtiga aad u baahan tahay cid kale oo aad kala sheekeysato oo ku jirta xaalad taada lamid ah. 

U diyaar ahaw

Dadku waxay ku waydiin doonaan su'aalo. U diyaar ahaw kahor inta aanad qof kale u sheegin:

  • Waxa uu isku dayayaa inuu fahmo wax ku dhibaya iyo waxa aad amni darada ka dareento. 
  • Waxa uu kuugu sharaxaa sida ugu maqcuulsan waxa aad dareemeyso. 
  • Waxaad ka fikirtaa waxa aad doonayso inaad ka gaadho marka aad u sheego qof. 
  • Haka filan jawaab degdeg ah ama jawaab celin toos ah oo qofka aad u sheegeyso ah.

kala hadal dadka aad ku kalsoon tahay ee ku caawin kara. 

Dad badan ayaa ka yaqaanaan HIV ama aragti kaa qaadan kara. Waxay ay uga jawaab celin karaan si ka gedisan ama xun. Adigu khalad kuma lihid. Waxaad isku dayi kartaa inaad macluumaadka saxda ah siiso ee ku saabsan HIV.

Xaaladaada HIV iyo sharciga

Waxaad xaq u leedahay inaad go'aasato haddii aad doonayso inaad cid uga waranto aad isku dhaw dihiin inaad qabto hiv.

Waxaa muhiim ah inaad u sheegto xirfadlaha caadimaadka inaad qabto HIV. Kaliya haddii aad taqaabo caabuqa aad qabto, ayay u daryeeli karaan caafimaadkaaga qaabka ugu wanaagsan ee macquulka ah. Waxaad si xor ah ula hadli karta qof khibrad u leh caafimaad. Isaga/iyagu maclumaadkaaga uma sheegi karaa cid kale. Isaga/iyada waxay sharci ahaan ku khasban yihiin in ay ixtiraamaan asturnaantaada. Isagu/iyadu il kale kugu eegi mayso.

Dadka looma ogola inay kugu takooraan maadaama oo aad qabto HIV. 

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo