Xakamaynta HIV-ga

HIV lama dawayn karo laakiin waa la xakamayn karaa iyada oo la adeegsanayo dawooyinka saxda ah. Haddii aad qabto hiv oo aad bilawdo inaad qaadato dawooyin wakhti hore, waxaad ku noolaan kartaa nolol caadi ah, oo ma qaadaysid aydhis. Waxaad la noolaan kartaa HIV ilaa inta aad doonto.

Waxaa jira dawooyin kala gedisan oo la qaato. Badanaa waxaad isku daraysaa kinoono badan. Labadiina, adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa wada go'aansanaya dawooyinka adiga kugu haboon.

Daawaynta HIV waxay saamayn karaan saamaynta waxtarka dawooyinka kale. U sheeg dhakhtarkaaga haddii aad qaadanayso dawooyin kale. 

Dawooyinka HIV waxay yeelan karaan saamayn caafimaad oo kale. Kala hadal dhakhtarka. Caadiyan, saamaynta caafimaad darada kale waa la dawayn karaa. Ha badalin xadiga oo ha joojinin inaad qaadato dawooyinka adiga oo aan marka hore kala hadal dhakhtarka. 

U qaado dawooyinka kaliya sida laguugu qoray

Dawooyinku kaliya waxay waxtar leeyihiin kaliya haddii aad u qaadatay sida uu dhakhtarku kugu amray. Si ay dawadu wax u tarto waa inaad:

  • qaadataa xadiga saxda ah ee dawooyinka;
  • inaad qaadato dawooyinka maalin kasta;
  • inaad maalin kasta isku wakhti qaadato dawooyinka;
  • inaad dawooyinka u qaadato sida uu dhakhtarku kuugu qoray, taas oo ku xidhan nooca laguu qoray: iyada oo cunto la socoto ama ayna la socon.
  • weligaa ha joojinin inaad qaadato dawooyinka adiga oo aan marka hore kala hadal dhakhtarka. Joojinta kumeel gaadhka ah ee dawooyinkaaga waxay hoos u dhigaysaa saamaynteeda.

Haddii aad qaadanayso dawooyin kale waa inaad u sheegtaa dhakhtarkaaga. Dawadu waxay saamaynaysaa sida ay dawadu wax u tarayso e HIV-ga. Dawooinka HIV waxaa sidoo kale ay saamayn karaan waxtarta dawooyinka kale ee aad isticmaalayso.

Khatar yar in aad qaado infekshin

Haddii aad u qaadato dawaadaada si sax ah maalinkasta, qadar HIV ee dhiigaaga ku jiraa (xadiga jeermiska) hoos ayay u dhigtaa. Dhawr bilood kadib inta badan laguma arko, iyadoo fayrasku jidhkaaga uu ku jiro. Lix bilood kadib ma jiro wax khatar ah in aan qof kale u gudbisid ahi.

Samaynta galmada adiga oo qaba HIV

Waxaad yeelan kartaa nolol galmo oo caadi ah adiga oo qaba HIV, laakiin waa sharci daro inaad u kasto oo aad lamaanahaaga qaadsiiso HIV ama xanuunada galmada lagu kala qaado adiga oo aan marka hore ogolaansho ka qaadin qofkaas. Tani waa isku mid qofka xidhiidhka rasmiga ah idinka dhaxeeyo iyo lamaanaha aad galmada samaysaan ee kale. 

Haddii aad samayso wixii macquul ah ee aad dadka kale kaga ilaalinayso inaad qaadsiiso caabuqu, ciqaab ku mudan maysid. Tusaale ahaan: hadaad isticmaasho koondhom  iyo/ama aad u qaadato dawada si wanaagsan ee HIV. 

Waxaa lagu taliyaa in kala hadasho dhakhtarkaaga iyo lamaanahaaga haddii aad rabto in aad galmo ku samayso koondhom. 

Kala hadla dhakhtarka

Waxaa si lacag la'aan ah ula hadli kartaa dhakhtar. Dhakhtarku macluumaadkaga uma gudin karo cid kale. Isaga/iyada waxay sharci ahaan ku khasab ah in ay ilaaliyaan sirta.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo